Ruushka Oo Markale Tubbooyinka Gaaska Ka Xirtay Waddamada Yurub

0
Friday September 02, 2022 - 09:18:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Markale Tubbooyinka Gaaska Ka Xirtay Waddamada Yurub

    "Waxaan u maleynayaa inaan awood u yeelan doonno inaan la qabsano,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan u maleynayaa inaan awood u yeelan doonno inaan la qabsano,"


Ruushka ayaa gabi ahaanba joojiyay gaaskii uu ka siin jiray waddamada Yurub isagoo sheegay in loo baahan yahay in dayactir lagu sameeyo dhuumaha shidaalka.

 

Shirkadda tamarta ee dawladda Ruushka, ee Gazprom, ayaa sheegtay in hakinta dhuumaha Nord Stream 1 ay socon doonto saddexda maalmood ee soo socda.

 

Ruushka ayaa horey si weyn hoos ugu dhigay dhoofinta gaaska ee dhuumaha.

 

Moscow ayaa beenisay eedeymaha inay tamarta ay u adeegsatay sida hubka dagaalka kaas oo ay uga go’leedahay inay ku caburiso wadamada reer galbeedka

Dhuumaha Nord Stream 1 waxa uu dheererkoodu gaaraya 1,200 kilomitir oo ka soo bilaaneyso xeebta Ruushka ee u dhow St Petersburg ilaa waqooyi bari ee Jarmalka.

 

Waxa la furay sannadkii 2011-kii, waxaana maalin walba mara gaas cadadiisu gaareyso ilaa  170 milyan oo mitir kuyuubik.

 

Dhuumaha ayaa la xiray 10 maalmood bishii Luulyo markaasi oo uu sidoo kale Ruushku sheegay in la dayactiri doono waxaana dhowaanba dhuumaha marayay gaas boqolkiiba labaan ah marka loo eego gaaskii maalin laha ee mari jiray. Wuxuu ku sababeeyay inay dhuumaha ay wax ka khaldan yihiin.

 

Mamulaha guud ee shabakadaha Jarmalka ayaa sheegay in waddankiisa uu sii adkeysan karo 3-da maalmood ee uu Ruushka hakiyay gaaska laakiin waa haddii uu dib u bilaabo keenista maalmaha soo socda.

 

"Waxaan u maleynayaa inaan awood u yeelan doonno inaan la qabsano," Klaus Mueller ayaa sidaasu u sheegay Reuters. "Waxaan ku kalsoonahay in Ruushka uu ku soo celin doono 20% gaaska maalinta Sabtida ah, laakiin cidna ma xaqiijin karto taas."

 

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ka cabsi qaba in Ruushku uu kordhiyo muddada uu qabsaday isagoo isku dayaya inuu sare u qaado qiimaha gaaska, kaas oo horeyba aad kor ugu kacay sanadkii la soo dhaafay.

 

Si kastaba ha ahaatee, lama filayo in ku dhawaaqista maanta ay saameyn ku yeelato qiimaha isla markaaba.

 

Qiimaha gaaska dabiiciga ah ee UK ayaa runtii Arbacadiii hoos u dhacay in ka badan 15% suuqyada.

 

Tallaabadan ayaa waxay abuureysaa dhibaato nololeed oo qaali ah gaar ahaan bilaha qaboobaha ee ku soo aaddan Yurub, taas oo ku qasbi karta dawladaha in ay balaayiin doolar ku bixiyaan si ay culayska u yareeyaan.

 

Talaadadii, wasiirka tamarta ee Faransiiska Agnes Pannier-Runacher ayaa ku eedaysay Ruushka "in uu gaaska u isticmaalayo sida hub dagaal".

 

Waxay hadalkaan sheegtay kadib markii shirkadda Gazprom ay shaacisay inay joojinayso gaaska ay siiso shirkadda tamarta Faransiiska ee Engie.

 

Laakiin afhayeenka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday eedeymaha - wuxuuna ku adkeystay in cunaqabateynta reer galbeedka ay sababtay hakadka iyadoo dhaawaceysa kaabayaasha Ruushka.

 

Waxa uu ku adkaystay in "dhibaatooyinka tignoolajiyada" ee ay cunaqabatayntu horseedday ay tahay waxa kaliya ee ka hor istaagaya Ruushka in uu gaaska mariyo dhuumaha, balse wax faah-faahin ah kama uusan bixin waxa dhibaatadu ay tahay.

 

BBC


Loading...
Loading...