WADDANI Oo Ka Hadlay Xadhiga Sallaadiinta, Siyaasiyiinta Iyo Shacabka Xabsiyadda laga Buuxiyay

0
Thursday September 01, 2022 - 21:32:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Oo Ka Hadlay Xadhiga Sallaadiinta, Siyaasiyiinta Iyo Shacabka Xabsiyadda laga Buuxiyay

    Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Xadhiga Sallaadiinta Iyo Siyaasiyiinta Oo Xadhkaha goostay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Xadhiga Sallaadiinta Iyo Siyaasiyiinta Oo Xadhkaha goostay


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay, Xadhiga Salaadiin Xukuumadda Somaliland ay dhawaan xidhay, iyo dadkii lagu xidh-xidhay Mudaharaadkii 11 August.



Guddoomiyaha WADDANI ayaa xidhiga Salaadiinta ku tilmaamay mid baalmarsan Sharciga, Dhaqanka iyo Diinta, isla markaana waxa uu sheegay in qabashadooda aan loo marin nidaam Sharci, isaga oo sheegay inay ka Xisbi ahaan cambaaraynayaan Xadhigoodda.

"Madaxdhaqameedka la xidh-xidhay ee follaadkoodii la qab-qabtay ee sida Sharciga ka baxsan ee Milgaha iyo Dhaqanka ka baxsan loo qab-qabtay, iyadoo aan loo marin diriiqii Sharciga ahaa, oo Waarran loo goosan la xidhay, ee xad-gudubka ku ah, Dhaqankeena, Sharcigeena iyo Diinteena, aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa" Ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi.

Xadhiga Salaadiinta iyo dadkii lagu xidhi-xidhay banaan-bixii 11 August ayuu ku tilmaamay ayaan-daro, isaga oo sheegay in Madaxweynuhu isaga oo Sharciga jabinaaya uu leeyahay Sharciga ayaan ilaalinayaa "Taa ay tahay ee sidaa loo socdo ayuu haddana Madaxweynuhu wuxu ina leeyahay Sharcigii ayaan ilaalinayaa".

Salaadiin uu ugu caansan yahay Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, ayaa dhawaan Xabsiga la dhigay, Salaadiintan ayaa shacabka ugu baaqay inay isu soo baxaan, oo ay dalbadaan doorasho.

Sidookale, qaar kamid ah dad boqol ka badan oo lagu xidh xidhay banaanbixii mucaaradka, ayaa wali xabsiyada ku jira, waxaana ilaa iyo hadda la sii daayay 49 Qof oo ka mid ah.

Loading...
Loading...