Mahadsanid Prof. Saleebaan
Toddobaadkii ina
dhaafay waxa xilkii wareejiyey Guddoomiyihii Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan
Axmed Guuleed oo aan u aqoonsanahay Aabaha Waxbarashada Sare ee
Somaliland. Waxaa soo dhammaaday rubuc
qarni uu hoggaanka u hayey Jaamacaddan oo ah ta ugu faca weyn Somaliland. Sida
aan warka ku hayo ardayda, macallimiinta iyo xubnaha golaha sare ee Jaamacaddu
way jeclaayeen in uu sii joogo, laakiin isaga ayaa gartay in la joogo wakhtigii
uu nasan lahaa jagadana banayn lahaa. Wuxu ka mid noqday madaxda dhifka ah ee
xilka ka degta iyadoo la jecel yahay.
Mid ka mid ah
sifooyinka ugu muhiimsan ee hoggaamintu waa diyaarinta ciddii ku beddeli
lahayd. Prof. Saleebaan qodobkaasi ma seegin oo Dr. Maxamed Muuse Jibriil ayuu
ku yidhi "Xadhigiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.” Magacaabista Dr.
Maxamed ku-soo-booddo ma ahayn oo muddo dheer ayaa loo carbinayey hoggaanka
Jaamacadda oo ah xil culus ah oo u baahan xirfad hoggaamineed oo sarraysa.
Dr. Maxamed Muuse inta
aan ka aqaan waa shakhsi hanan kara xilkaas, marka la eego aqoontiisa iyo
waayo’aragnimada guunka ah ee uu u leeyahay maamulka waxbarashada sare. Markii
aan Jaamacadda dhiganeyey laba kooras ayaanu wada qaadanay. Wuxu iila muuqday
nin mudakar ah, firfircoon, wakhtigiisana si wacan uga faa’iidaysta. Waxan u rajaynayaa
in uu Ilaahay ku guuleeyo xilkaas.
Prof. Saleebaan dadka
badankiisu waxay u yaqaanaan qofkii dhidibada u taagay waxbarashada sare ee
Somaliland, gaar ahaan Jaamacadda Cammuud. Laakiin waxqabadkiisu intaa aad buu
uga ballaadhan yahay. Waxan aaminsanahay in uu saamayn ku yeeshay dhinac kasta
oo nolosha dadka reer Boorama ah, sidoo kalena uu qayb weyn ka noqday
geedi-socodka horumarka iyo dib-u-dhiska Somaliland.
Dhaqaalaha Boorama si
aan la qiyaasi karin ayuu u kobcay labaatankii sanno ee u dambeeyey. Hubaal
waxa ah haddii daraasad lagu sameeyo in guushaas badankeedu ay ku dhammaanayso
Prof. Saleebaan. Isha dhaqaale ee maanta ugu weyn Boorama waa Jaamacadda
Cammuud, ganacsiyada ka farcama iyo shaqooyinka la xidhiidha. Mashruuca Cammuud
wuxu noqday mid aad loo mahadiyey, waxaana ka aflaxay kumanaan maanta nolosha
kaga jira kaalmo muhiim ah. Sidoo kale Cammuud waxay horseed u noqotay
furitaanka jaamacadaha kale ee dalka oo ay ugu horayso Jaamacadda Hargeysa.
Tirada Jaamacadaha ee dalku waxay hadda kor u dhaafeen 30.
Markii iigu horaysay ee
aan la kulmay Prof. Saleebaan waxay ahayd 1999, wakhtigaas oo aan dhiganayey
fasalka 3aad ee Dugsiga Sare. Isaga iyo koox aan ka xasuusto Caydiid Xaaji
Daahir ayaa noogu yimid Faarax Oomaar. Waxay noo sheegeen in ay qaadayaan
imtixaankii lagu geli lahaa Jaamacadda Cammuud. Saleebaan wuxu iigu muuqday qof
ka duwan dadka kale ama shakhsiyadda af-Ingiriisiga lagu yidhaa "Larger than
life”. Aftahan leh haybad hoggaamineed oo markaaba ku soo jiidanaysa. Qof
firfircoon, dhaqdhaqaaq badan, oo ay ka muuqatay tamar dheeri ah marka loo eego
da’dii uu ahaa. Intii imtixaanka aan
sugaynay wuu nala kaftamay, dhawr jeer ayaanu naga qosliyey. Waxan rajaynayey
in aan dhakhso u geli doono jaamacadda uu hoggaanka u hayo oo ahayd ta kali ah
ee dalka ka jirtay, hase ahaatee ma suurogelin sannadkaa.
Markii la soo dhejiyey
natiijadii imtixaanka, dadkii ugu dhibcaha sarreeyey ayaanu ka mid noqonay.
Waase na loo diiday in aanu Jaamacadda galno, sabab na loogu sheegay Wasaaradda Waxbarashada oo ku adkaysatay in
ay ardaydu dhammaystaan dugsiga sare ka hor inta aanay jaamacad bilaabin.
Cadhadii aan ka qaadnay waxay nagu kaliftay in maqaal aanu maamulka Jaamacadda
ku dhaliilayno ku daabacno wargayska Jamhuuriya.
Markii aanu dugsigii
sare dhammaysanay sannadkii 2000, koox ilaa 15 arday ah oo aan ku jiro waxaanu
go’aansanay in aanu dalka iska joogno oo Cammuud iska xaadirino. Lacagta fee-ga
iyo nolosha waan iska bixin karaynay, waxayse nala noqotay in aanu jaamacadda
waydiisano meel aanu degno. Waxan ku khasbanaanay in aanu la xidhiidhno Prof.
Saleebaan. Waxase caqabad nagu noqday dhalliishii aanu warbaahinta u marinay
isaga iyo jaamacaddaba. Si kastaba ha ahaatee, indhaha ayaanu isku qabanay oo
telefoonka ayaanu kala hadalnay codsigayagiina u jeedinay. Maalmo kadib wuu
nagu soo warceliyey. Wuxu codsaday shir "teleconference” ah in aanu
dhammaantayo isugu nimaad meherad la odhan jiray BFC oo uu lahaa Cabdirashiid
Xasan Mataan kuna taallay ka soo horjeedka halka uu Premier Bank hadda ku
yaallo. Wuxu halkaa noogu jeediyey khudbad aad u qiimo badnayd oo nuxurkeedu
ahaa "In kastoo aanay miisaaniyadda Jaamacaddu is daboolin, haddana
mustaqbalkiina ayaa wax kasta ka weyn ee kaalaya.” Guri weyn oo qurux badan
kuna yaalla xaafadda Shacabka ayaa naloo kireeyey, kaas oo hoy noo ahaa afartii
sanno ee xigay. Waxaanu ahayn kooxdii koowaad ee aan reer Boorama ahayn ee
Jaamacadda yimaad. Waxaanu aaminsan nahay in imaatinkayagii uu jaamacadda
faa’iido u noqday oo nalgu soo hirtay. Sannadkan oo kali ah waxaa isdiwaangeliyey
5171 arday oo kala galaya 15 kulliyadood. Sida la ii sheegay ku dhawaad kala
badh ardaydaasi waxay ka yimaadeen gobollada kale ee Somaliland iyo dhulalka
kale ee ay Soomaalidu degto, haba u sii badnaadaan Puntland iyo koonfurta
Soomaaliya.
Waxan ka mid noqday
inta nasiibka u heshay in uu macallin u noqdo Saleebaan. Haa, isaga oo
guddoomiyaha jaamacadda ah ayuu haddana macallin ahaa, baahidii wakhtigaa
jirtay awgeed. Wuxu na siiyey kooras ah "Introduction to Psychology” ama
"Hordhaca cilmi-nafsiga.” Wuxu nala joogi jiray toddobaadkii laba saacadood oo
xidhiidh ah oo aad u xiiso badan una ekaa 20 daqiiqo. In kastoo uu ahaa waayo
arag wakhti dheer macallin soo ahaa, haddana waxa muuqatay in uu xil weyn isa
saari jiray oo si weyn u soo diyaar-garoobi jiray. Si wacan buu u soo lebisan
jiray oo suudh iyo taay ayuu soo xidhan jiray. Waxay ahayd maalin si weyn loo
wada sugo. Casharadii uu wakhtigaa na siiyey iyo tusaaleyaashii uu bixin jiray
wali waanu xasuusanaa.
Laba arrimood oo aan
filayey intii aan jaamacadda joogay sidii aan u arkayey may noqon. Ta koowaad,
Prof. Saleebaan wuxu iigu muuqday in uu joogo wakhtigii "retirement-ka” (Ma
jecli ereyga hawlgab). Sidaa daraadeed
waxan qiyaasayey in aanu sii joogayn dhawr sanno wax ka badan. Sidoo kale waxan
u arkayey in muddo kadib uu saluugi doono maamulidda laba kulliyadood, 200 oo
arday iyo macallimiin aan 20 ka badnayn oo ku baahdan kaynta Jaamacadda Cammuud
iyo guryihii duugoobay ee Ingiriiska ka hadhay; iyada oo ay awooddiisa
hoggaamineed iyo hankiisuba aad u sarreeyeen. Waxan is lahaa waxa dhici karta
in uu xisbi furo amaba ka mid noqdo hoggaankii siyaasadda ee saaxiibkii Maxamed
Xaaji Ibraahim Cigaal, AHUN. Hase yeeshee ma ay dhicin! Wuxu si la yaab leh u
sii tamariyey 22 sanno oo dambe.
Abwaan Garriye, AHUN,
ayaa hore u yidhi Soomaalidu waa Aasi-Og. Qofku inta uu nool yahay ayaa fiican
in wanaagiisa lagu maamuuso. Waxan soo jeedin lahaa in hall-ka shirarka ee
Jaamacadda iyo kulliyadda tabobarka macallimiinta ee heer qaran Saleebaan loogu
magac daro. Sidoo kale Golaha Deegaanka ee Boorama ha ka fikiraan halkii ay ku
xardhi lahaayeen magaca Prof. Saleebaan.
Ugu dambay, mahadsanid
Saleebaan. Waxaanu kuu haynaa abaal aan duugoobayn!
Waxaa qoray Mustafe
Maxamed Khayre
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!