Garyaqaanka Guud Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Qoddobadii Guddiga Dhexdhexaadintu Soo Saartay

0
Thursday September 01, 2022 - 19:08:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaanka Guud Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Qoddobadii Guddiga Dhexdhexaadintu Soo Saartay

    Garyaqaanka Guud Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Qoddobadii Guddiga Dhexdhexaadintu Soo Saartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaanka Guud Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Qoddobadii Guddiga Dhexdhexaadintu Soo Saartay


Hargeisa(HWN):-Garyaqaanka Guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, ayaa soo jeedintii guddida ganacsatadda ka hadlay.


Garyaqaan Maal waxa uu sheegay inaanay suurto-gal ahayn soo jeeddinta Guddiga dhexdhexaadinta, isla markaanna aan la qaaddan karin.


Garyaqaan Maal waxa uu tilmaamay in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Urrurada siyaasadda Somaliland aannay is raaci karin farsamo ahaan iyo Sharci ahaanba, isagoo sheegay in qabashada doorashada urruradu ay shardi u tahay in la qabto doorashada Madaxtooyada.

"Su'aashaa ah doorashooyinka Madaxtooyad iyo Urrurada waa laysku sidki karaa, ee garyaqaanadu ka hadleen, waxay tahay in anay israaci karin farsamo ahaan iyo sharci ahaanba" Ayuu yidhi Maal. "Sababtoo ah labada doorasho shardi ayay isku yihiin, marka midi dhacdo ayaa mida kale la gali karaa".

Waxa uu sheegay in doorashooyinkani ay ka duwanyihiin doorashooyinkii isku nidaamka ahaa, ee golayaasha deegaanka iyo wakiilada, oo kali ah doorashada madaxtooyada la gali karo, marka doorashada xisbiyada la qabto.

Waxa uu sheegay in xisbiyada hada jooga ee Kulmiye, UCID iyo Waddani ay ku jiraan xaalad kala wareeg ah, xaaladaas oo sharcigu jidaynayo in xisbiyadu galaan marka 6 bilood ka hadhsantahay mudo xileed kooda, sida darteedna lagu jiro sidii doorashada xisbiyada loo gali lahaa.

Guddidii ganacsatada ahayd ee isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashooyinka Somaliland, ayaa soojeediyay in la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada, soojeedintaasi oo axsaabta mucaaradka ah oo kali ahi ay soo dhaweeyeen.

Loading...
Loading...