Maxaa Ka Dhalankara In Dibada La Dhigo Musharixiinta U Taagan Doorashada Madaxtooyada Ee Labada Xisbi?..Siyaasi Cali Guray
Maxaa Ka Dhalankara In Dibada La Dhigo Musharixiinta U Taagan Doorashada Madaxtooyada Ee Labada Xisbi?..Siyaasi Cali Guray
siyaasi Cali Guray ayaa ka digay dhibaatada ka dhalankarta in meesha laga saaro xisbiyada Ucid Iyo Waddani.
siyaasi Cali Guray ayaa war uu soo saaray ku yidhi:-
"Musharixiinta u taagan doorashada madaxtooyada ee labadan xisbi in dibadda la dhigo oo kuwo ururo ah lagu bedelo qof somaliland rejo ka qabaa ku talimaayo waayo waxa ka dhalan kara wuu garanayaa.
Hadda anigu wax badan baan ka digay waxa ka dhalan kara doorasho aan la isla ogolayn. Haddana waxan leeyahay doorasho madaxtooyaba waa hadii la isla gaadho.
Doorasho aan la isla ogolayn ayaan goobihii codbixinta sanaaduuqda geynayaa doorashaduna si caadi ah oo nabadgelyo ah baa looga qabanayaa qofka ku riyoonayaa gu’ muu jirin eh bal aan aragno eh ha isku dayo malaha miyir markaa ayuun baa ugu horay eh. Oo waa goorma waa goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo aanu dib uga soo celin karin halka uu gaadhsiiyaye.
![]() |
Loading...
Loading...