Shaqo Xumo Ka Taagan Wasaarada Caafimaadka Iyo Shaqaale Baafinaya Mushaharkoodii Oo Ka Maqan
Shaqo Xumo Ka Taagan Wasaarada Caafimaadka Iyo Shaqaale Baafinaya Mushaharkoodii Oo Ka Maqan

masuuliyiinta wasaarada caafimaadka ayaa mudo lix bilood ah haysta gunooyin ay hay’adda UNFPA siiso umulisooyinka iyo kalkaalisooyinka ka hawl gala xanaanooyinka magaalada Hargeysa.
Lacagtan ayey hay’adda UNFPA si toos ah ugu soo shubtay Acount-ka ay wasaarada caafimaadu ku leedahay Dahabshiil.
hablo laga shaqaalaysiiyey waaxda maamulka iyo lacagta oo diyaariya bixinta mushaharkan oo ay umulisooyinka iyo kalkaalisooyinka ka shaqeeya xanaanooyinka Hargeysa ugu shubi jiray telefanadooda gacanta ayaan ilaa hada iyaguna aan qabsan shaqadoodii iyada oo shaqaalahani bilaa mushaharka ahi ay wajahayaan xaalado adag oo dhaqaale wakhti sicir bararkuna meel sare gaadhay noloshiina sii adkaanayso.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada caafimaadku aanay sanadkii hore ee 2021 bixin gunooyinkii bilaha April May Iyo June ee hay’adda UNFPA ugu tala gashay umulisooyinka iyo kalkaalisooyinka, waxaanay shaqaalaha ku wargeliyeen in mushaharkoodii ay dawladu u isticmaashay doorashooyinkii dhacay bishii May ee sanadkii 2021.
Fadhiidnimada iyo musuq maasuqa ka jira wasaarada caafimaadka ayaana sababay in shaqaalahan ka hawl gala xanaanooyinku aanay mudo lix bilood ah soo gaadhin lacagtii ay u soo shubtay hayada UNFPA halka ay wali raadinayaan mushaharka sadex bilood oo ka mid ah sanadkii 2021.

Loading...
Loading...