Kharashka Dhiig baxa ah ee Qallinjebinta Jaamacadaha Hargaysa.

0
Wednesday August 31, 2022 - 09:23:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kharashka Dhiig baxa ah ee Qallinjebinta Jaamacadaha Hargaysa.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay


Waxa aynu qormadan ku soo bandhigi doonaa dhammaan kharashaadka ku baxa ardayda jaamacaddaha wakhtiyadan qallinjebinta ee dhiig baxa ku waalidiinta hayntoodu yartay ama aan waxba haynin. Waxa aynu u kala saari doonaa inamada iyo hablaha kharashka ku baxa iyo weliba kan ay jaamacaddu qaadato: Jaamacadduhu inta badan waxa u go’an inay arday kasta ka qaadaan $100 oo la yidhaa kharashka qallinjebinta.



Wiilasha.

= Kharashka ku baxa inamada: suudhka uu xafladda qallinjebinta u xidhinayo $85, wiilka Kamarada sawirada ka qaadaya oo maalintaasi oo dhan la soconaya $60, kirada baabuurka xafladda geynaya $65, buugga qalinjabinta waxa lagu daabacaa $9, sharraxaada baabuurka $60. Haddii wiilka qoyskiisu casuumad u sameeyaan waxa ku baxaya $150. Markaa isku geynta kharaska wiilk ku baxayaan wuxuu dhan yahay $529.


Hablaha.

= Kharashka ku baxa hablaha: dharka xafladda qallinjebinta $250, lacagta koofeerka ku baxaysa $ 70, wiilka Karamada $65, buugga qalingejebinta waxa lagu daabacaa $9. kirada baabuurka iyo sharraxaadda $125. Inta badan hablaha waxa xafladdo loogu qabtaa guryaha ama hudheellada. Xafladda guriga waxa ku baxa $150. Markaa isku geynta kharaska ku baxaya hablaha waa $769 .


Xogtan ururinteeda waxa ka qaybqaatay Garyaqaan C/casiis Axmed Yoonis.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...