Ma Awoodno inuu Fashilmo Mashruuca Dib u Habaynta Shaqaalaha Qaranku

0
Sunday June 09, 2019 - 12:08:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Awoodno inuu Fashilmo Mashruuca Dib u Habaynta Shaqaalaha Qaranku

    Waana Muhiim in Baadhis Buuxda lagu Sameeyo !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waana Muhiim in Baadhis Buuxda lagu Sameeyo !

Asalaamu Calaykum

Dedaal aad u badan iyo wada-hadalo wakhti aad u dheer qaatay oo Habeen iyo Maalinba laga shaqaynayay ka dib waxaa Allah Mahadii ahayd in Baanka Aduunka iyo Xukuumada Somaliland ay Magaalada Nayroobi ku kala Saxeexdaan 29kii July 2016 kii Heshiis uu Baanka Aduunku ku Maalgelinayo Toban Milyan oo Doolar dib u habaynta Shaqaalaha Dalka Somaliland si kor loogu qaadayo tayada aqooneed iyo xirfadeed ee Shaqaalaha dowladda, gaar ahaana ay Qabta Koowaad ee Mashruucaasi ay ka faaiidaysan doonaan Sideed Wasaaradood iyo laba Hay’adood oo dowli ah, kadibna loo gudbi doono Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada ee kale.

 

Hawsha Mashruucan oo aanu marar kala duwan u tagnay Magaalada Nayroobi waxa Masuuliyiinta hawshan ka qayb qaatay ka mid ahaa Dr. Sacad Cali Shire oo xiligaas joogay Wasaarada Arrimaha Debeda, Gudoomiyihii hore ee Hay’ada Shaqaalaha Mudane Maxamed Mixile Boqorre, Wasiir u Dawlihii hore ee Wasaarada Shaqda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Daahir Camuud, Aniga oo waagaas ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Xidhiidhiyaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Mudane Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil.

 

Mashruucaasi waxa Daahfurkiisii si rasmi ah loogu qabtay Hoteelka Ambassador 23kii bishii November 2018. Waxaana uu ahaa Guul usoo hoyatay Qaranka oo loogu talo galay inuu socdo Muddo Shan Sanadood ah.

 

Waxaana loogu talo galay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta iyo Tayada Shaqaalaha Dawlada ee loo Abuuri lahaa Shaqaale Aqoon u leh Adeegga ay Bulshada u hayaan una carbisan shaqooyinkooda sidoo kalana xoogga la saaro sidii loo tayayn lahaa guud ahaan Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loona kobcin lahaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee kala duwan.

 

Sidoo kale waxa Qorshaha Mashruucan qayb ka ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Xuquuqda Shaqaala iyo Daryeelkooda oo ah mid Mudnaan iyo Muhiimad weyn leh si loo hubiyo Xaqa iyo Xuquuqda ay Shaqaalaha Dawladu ku leeyihiin Qarankooda iyo Daryeelkooda marka ay hawlgabka noqdaan ee ay shaqada ka fadhiistaan.

 

Waxa kale oo xusid mudan in Barnaamujkan ay qorshayaashiisa ugu waaweyn ee kale ay ka mid tahay sifaynta iyo soo Afjarida waxa loo yaqaan Caaglaha "ghost workers” oo ah shaqaale magac u yaal ah oo ku jira Liiska Shaqaalaha Dawlada ee lagu lagac qaato balse aan ahayn shaqaale meel ka shaqeeya.

 

Hadaba Mashruucan loo yaqaan dib u Habaynta Shaqaalaha Dawlada ” Civil Service Reform Project” waa mid qiimo weyn ugu fadhiya Qaranka oo ay muhiim tahay in la hubiyo inuu u socdo sidii loogu talo-galay lagana hor tago oo laga ilaaliyo in wax madmadow ahi uu soo galo si aynaan u lumin Sumcada iyo is Aaminka u dhexeeya Xukuumada iyo Baanka Aduunka

 

Waxaa aad ii werwer geliyay baadhitaanka ay sameeyeen Warbaahinta loo yaqaan Somaliland Chronicle oo tilmaamaysa in lacag gaadhaysa Laba Milyan oo Doolar ay ku baxday wax lagu Tilmaamay la Taliyayaal reer Kenya ah.

 

Aniga oo sharaf iyo Xushmad u haya Masuuliyiinta hawshan gacanta ku haysa, isla markaasna kalsooni buuxda ku qaba in ay Xukuumadu baadhis buuxda ku samayn doonto Mashruucan ayaa hadana waxaan jeclaystay inaan Xukuumadu ku dhiirri geliyo in la dedejiyo baadhista Eedaha dul hoganaya Mashruucan si aanu u fashilmin Barnaamujkaas qiimaha weyn ugu fadhiya Qaranka.

 

Somaliland ha Guulaysato

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed


Loading...
Loading...