Garyaqaan Mubaarik Aar Oo Ka Hadlay Muuqaal Uu Duubay Oo Siqaldan Warbaahintu U Adeegsatay
Hargaysa (HWN) Garyaqaan
Mubarik Ibrahim Aar ayaa sheegay in doorashada ay ka horayso in la heshiiyo.
Waxaanu
qaryaqaanku ka hadlay muuqaal hore oo uu duubay oo si qaldan warbaahinta
qaranku u adeegsatay.
"Maalintii
shalay ayaa warbaahinta qaar ka midi ay soo dhigeen muuqaal aan duubay shan
bilood ka hor oo ku saabsan sida laba doorasho oo isku sidkan loo wada qaban
karo iyo cidda ka qayb galaysa.
hadaba muuqaal kan ayaa dad badan u qaateen
inaan hadda duubay maadaama uu waafaqay xalka ay soo jeediyeen guddida
ganacsatada ah ee ku hawlan xal u raadinta khilaafka doorashooyinka ee jira.
Waxaa hadaba
layaab leh Idaacadda Qaranka oo waajib keedu ahaa inay hubiso wararka iyo
warbixinada ay la wadaagayso bulshadeeda ayaa ahaa meelaha sida qaldan u fahmay
muuqaal kan iyaga oo ka dhigay mid cusub oo hadda la soo saaray, isla mar
ahaantaana u dhigay sifo ka baxsan anshaxa saxaafada iyo dhaqanka dawladnimada.
Waxaan anigu
mar kasta taageerayaa in khilaafka jira la soo afjaro,isla mar ahaantaana lagu
dhameeyo is afgarad iyo tanaasul.”