Xildhibaan Nacnac Ma Maantuu Ogaaday In Xildhibaannada Weerar Lagusoo Qaaday?

0
Sunday June 09, 2019 - 09:32:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Nacnac Ma Maantuu Ogaaday In Xildhibaannada Weerar Lagusoo Qaaday?

    Wuxuu yidhi "dadku wada Dhakool maaha"! sawaaxiliga waxaan ka maqli jirey "micne gaanni" oo ah maxaad ka waddaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu yidhi "dadku wada Dhakool maaha"! sawaaxiliga waxaan ka maqli jirey "micne gaanni" oo ah maxaad ka waddaa?

Sideedaba dulmigu midab ma leh, gobol ma leh, sokeeye ma leh waa dulmi. Shalay wadaadkani wuxuu ku shimbiro waaqlaynayey Dhakool inuu qaran dumis yahay, in uu denbiile yahay, in xabsiga lagu sii giijiyo iwm.

 

Odaygu wuxuu is lahaa adigu reer Sheekh Isaxaaq baad tahayoo waxaad doontaa laguu ogol yahay! Wuxuu aamminsanaa maaddaama Dhakool yahay "beelaha darafyada" (sida Hargeysa imminka looga yaqaan dadka reer waqooyi qaar). Waxase caddaatay

 

1) Haddii dulmi la bannaysato oo la taageero inaanu xuduud lahayn dulmigu, kii u ololaynayeyna inuu sugayo.

2) Inaan kelmeddan darafyadu iyada lafteedu xuduud lahayn, oo Balligubadle, Sallaxley iyo Oodweyne markii loo baahdo ay darafyada noqonayaan. Reer Xamarku waxay yidhaahdaan "ka xaaxaabi hee" iyo "macay kugu tahay".

 

Waxaanse isweydiiyey weligay Nacnac ka hor taariikhna kuma maqal mana arag qof dhankaa Balligubadle ka soo jeeda oo dadka reer Sool xasaradaynaya, iyo qof reer Sool ah oo reer Balligubadle inay madaxa ka dhunkadaan mooyee wax xun u quudhaya. Odaygani bal hanalaga hubiyo awoowayaal.

https://www.youtube.com/watch?v=4kFq-fVKv1Q&fbclid=IwAR3oNuv1eD1NG32yf_e15iXq5UZZvFxYm069IeMbeV_Re68Uyreb20jOiVk 

 

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

[email protected]



[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...