Caadooyin Cudur Ku Ah Kalsoonida Nafta (1)

0
Sunday August 28, 2022 - 09:54:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caadooyin Cudur Ku Ah Kalsoonida Nafta (1)

    W/Q: Kamaal Marjaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Marjaan



 ‘Kalsoonida naftu’ waxa ay ka mid tahay dabeecadaha ugu badan ee aadamuhu janto, isugu faano, ama jecelyahay in uu barto. Laakiin waxaa jira dabeecado ay xeeldheereyaasha cilminafsigu sheegeen in ay burburiyaan kalsoonida ay tahay in aynu nafaheenna ku qabno, dhaqanno dilaya qabkeenna iyo aqoonsiga heerka nafteennu joogto; waxaa ka mid ah:



CUDUR-DAARASHADA BADAN

In aad raalligelin ka bixiso gefkaaga iyo gaabis kasta oo kaa yimaaddaa waxa ay ku timaaddaa kalsoonida aad isku qabto, laakiin ogoow in raalligelinta qudheeda oo aad ku talaxtagtaa ay tahay cudur burburinaya kalsoonidii naftada.


Iska jir ku celcelinta isticmaalka ereyada raalligelinta ah; haddii aad ballan ka daahday, haddii hawl lagaa filayey aad ka gaabisay, ama aad illowdo qof ay ahayd in aad xusto iyo gef kasta oo dhaca, iska jir in aad isla munaasabadda ama fadhiga dhexdiisii ku celceliso ‘Waan ka xumahay’ .. ‘Waan qaldamay’ iyo ereyada la midka ah.


Hal mar sida ugu quruxda iyo anshaxa fiican raalligelinta u bixi, kaddib uga gudub hadallada kale ee kuu yaalla, mar dambana dib ha eegin.


AMMAANTA BADAN

Dad badan ayaa dhaqan u leh in ammaan kala daalaan ruuxa ay xurmada u hayaan ama sarraynta u qirayaan. Qofka ammaantiisa oo aad ku talaxtagtaa waxa ay burburisaa kalsoonida ay tahay in aad naftaada ku qabto. Mar kasta oo aad ku talaxtagto ammaanta iyo bogaadinta qofka kale, waxa ay maskaxdu qaadataa dareen ah in ay naftaada barbar dhigto wanaagga iyo ammaanta aad qofkaas ku sheegayso, waxaana ka dhasha aaminsanaan nafsadeed oo ah in aad adigu dhinaca taban iska aragto, dhaliishaada iyo meelaha aad u liidataana ay ku hor yimaaddaan.


Waxa ay keentaa dabeecad ah in mar kasta aad qof kale isku dhereriso, marka aad aragto meelaha aad uga hoosaysana waxaa ku bilaabanaya xaalad kalsooni darro naftaada aad ku qabto ah.

Ku talaxtagga ogolaanshiyaha aragtiyaha kale


Haddii aad ka baqato ka hor imaanshiyaha aragtida aad diidantahay, doodda iyo in aad si kalsooni ah u sheegto dooddaada diidmada ah, waxa aad ku dambaynaysaa in aad noqoto shakhsiyad jilicsan oo si fudud isugu dhiibta dadka kale doonistooda.


Waxa aad is arkaysaa iyada oo ay iskaga kaa xidhmeen kalsoonida aad naftaada ku qabayso iyo heerka ogolaanshiyaha aragtiyaha dadka kale. Weligaa iska jir in qabkaagu kuu diido qirashada aragtida kaa saxan iyo fikirka aad u bogto, laakiin ka dheeroow cudurka ah in aad ku dhici weydo diidmada aragtida aad ka biyo diidsantahay ama qofka kale aad kaga duwan tahay, haddii kale u diyaargarow dhimashada kalsoonida nafta.


KU MASHQUULIDDA IIMAHAAGA YARYAR

Waxyaabaha kalsoonida naftada burburiya waxaa ka mid ah qofka oo caadaysta dabeecadda ay xeeldheereyaasha cilminafsigu ay afka Ingiriisiga ku yidhaahdaan ‘Spotlight Effect’. Waa naftaada oo aad ka dhaadhiciso in dadku ay diiradda kugu hayaan, gaar ahaan marka ay kaa dhacaan gefaf ama arrimo aad weji gabax u aragto.


Waxa uu qofku isku weynaynayaa aadna u buunbuuninayaa hannaanka ay dadka ku xeerani u arkaan ama u qiimaynayaan ceebihiisa. Tusaale ahaan, haddii uu munaasabad yimaaddo isaga oo aan muuqiisa la dhacsanayn; timaha oo aanu sidii saxda ahayd u soo qurxin ha ahaato ama labbiskiisa oo uu u arko in ka dadka kale uu ka liito, iwm. kaddib waxaa ku abuurmaya walbahaar iyo xasilooni la’aan nafsadeed oo ka dhalanaya warwawrka uu ka qabo waxa ay dadku ka odhan doonaan.


Dabeecaddani waa cudur dila kalsoonida nafta, ee dhaqso naftaada uga dawee. Sida cilmigu caddeeyey, bani’aadamku abuur ahaantii ayaanu dhugmo uba yeelan arrimaha aadka u yaryar ee hareerihiisa ka dhacaya. Waxaa intaas u dheer illowga oo badan awgeed, xitaa waxa uu markaas dareemaa dhaqso ayey maskaxdiisa uga baxaysaa.

LA SOCO…

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...