Madaxweyne Hambalyo iyo Dhaliil Wada Socda

0
Saturday August 27, 2022 - 18:06:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Hambalyo iyo Dhaliil Wada Socda

    W/Q: Ahmed M. Adan (Doobb-baje)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed M. Adan (Doobb-baje)


Waxaan saaka qaalinka u qaatay inaan hambalyo iyo taageero halkan uga gudbiyo Madaxweynaha iyo Golaha Wasaarada,anigo ku hambalyaynay, kuna taageeraya go'aanka ay ka qaateen Arrinka Ururada Cusub, Xisbiyada iyo Doorashooyinka.

 

Waxaan rumaysan ahay inay dalka Dawlad kaliyii ka jirto. Dawladaasuna ay tahay mida uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwene Muuse Biixi Cabdi, oo ay Dadka Somaliland u doorteen xilkaas. Waxayse u muuqataa inay Xisbiyada Mucaaridku ka dhigayaan inay dalka ka jiraan laba dawladood oo Xukunka isku haystaa!

 

Waxase nasiib daro ah, in aan arkay liiskaas 23 gabdhoodh oo hablaha Somaliland ka mid ah oo la xidhxidhay, oo waliba la geeyay magaalo ka fog halkii ay deganaayeen qoyaskoodu.

 

Hadaba iyadoo ay hambalyada iyo taageeradu ba halkooda yaaliin oo aanan kala noqonayn, waxaan isla markaas si wayn ugu dhalliilayaa Xukuumadda xadhiga hablaas la xidh-xidhay. Kaasoo aan sinaba sabab ama cudurdaar u yeelan karin. 

 

Sidaas darteed, Waxaan Madaxweynaha ka codsanayaa in hablahaas si degdeg ah xoriyadooda loogu soo celiyo, amarna uu ku bixiyo INAAN GABDHAHA Somaliland ARRIN SIYAASADEED loo xidhxidhin. Hadii laga maarmi waayana aanay gabadh Somaliland u dhalatay Siyaasad u xidhnaan mudo  24 saacadood ka badan. Sidaasuna inoo noqoto Xeer iyo Dhaqan Wanaag aynu kaga horayno Dunida inteeda badan.

 

Haweenka iyo raggu waa isku xuquuq. Ha ahaatee, dhibta way u kala nugul yiin. Haweenku na Ragga aad ayay uga baahi badan yiin. Dhinaca kale ninka ragga ahi, waa cadow ku lid noqon kara naftiisa iyo nafaha kaleba waxaanu taa kala mid yahay jinsiga lab ee naflayda ama xayawaanka kale.  Sidaas darteed waxan lagama maarmaan ah inay bulshaddu ragga ula taagnaato carbin ama carb'in, cadaadin iyo caabi.

 

Raggu ma raboobo, mana laylismo, mana carba'o, mana carbismo ee hogaan adaga baa ku hayn kara hilinka toosan. Ragga waxa lagu abuuray Diidmo, Dil, difaac iyo boob xad-dhaaf ah! 

Haweenkana hadal wacan baa hayalsamida iyo hoyga ku adkeeya. Haweenka waxuu lagu abuuray HAYE, HOOYO, HOO iyo HOYN!

 

Waxaan, iyagana, halkan hambalyo iyo dhaliil mataansan uga soo jeedinayaa Xisbiga WADANI iyo madaxdiisa. Waxaan ku hambalyaynayaa qadiyada hablahaas xidhan ee ay u kaceen, ee ay sida tooska ah ugu hadleen. Waxaanse ku dhaliilayaa Magaca qabiilka Garxejis ee ay huwiyeen gabdhahaas, taasoo dhaawaci karta Sumcadda Qaranka, kala fogayn iyo colaadna ku abuuri karta labada daamood ee degaanka Caasimadda Hargeysa.

 

Waxaa noqon lahaa AFGOBEED iyo DIBLOMAASIYAD Xiirraaya, iyadoo uu Xisbiga WADANI uga hadlo arrinka hablahaas sidii hablo haybta kaliyee ay huwan yihiin tahay HAYBTA Somaliland.

 

Allow Qaranka Somaliland, Qumi hormoodkiisa,

Qoton adag Alow nooga yeel, Gidi qawaaniinta,

Allow qalinka aad nuun ku tidhi, Qorista noo toosi

Qolo qolo Alow naga midee, Qaybo kala jeeda,

 

Aamiin.

 

Ahmed M. Adan (Doobb-baje)

Toronto, Canada


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...