Cali Guray Oo Isbar-bardhig Ku Sameeyay General Gaani Iyo Muuse Biixi
Hargaysa (HWN) Siyaasi
Cali Guray ayaa isbarbardhig ku sameeyay mid kamid ah dhacdooyinkii dhacay
xiligii dawladii Siyaad Barre ay
maamulaysay Somaliland iyo dhacdo dhacday intuu Muuse Biixi xilka hayay.
Siyaasiga ayaana qoraal
uu arinkaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay uqoray sidan
"General Maxamed Xaashi
Gaani, Waa janankii Siyaad Barre gobolada Waqooyiga oo dhan wakiilka uga ahaa
xiliyadii dhalinyaradii Hargeysa la xidhxidhay ee dhagaxtuurkii 20 February
dhacay. Shan qof ayaa ku dhintay dhagaxtuurkii sadexda maalmood socday. 11kii
August oo Muuse Biixi Madaxwayne yahayna dhawr saacadood oo mudaaharaad salmi
ahi socday 7 ayaa dhimatay, dhaawacii baa 100 kor u dhaafay 200 dad aan ka
yarayna xabsiyada ayaa loo taxaabay.
Saw taariikh cad oo aan
cidina dafiri karin maaha? Mise Caligurey baa been sheegaya oo wax kale ujeeda
ayaydin odhan? Runtu haba qadhaadhaato eh waa run uun
Gaani awoodda adeerkii
Siyaad Barre uu siiyay dhagaxtuurkii Hargeysa boqolaal ayuu dili karayay hadii
uu doonayo oo aan laba cali ku wada hadasheen
Waar hablaha yaryar uun
iska soo daa cid ku odhan kartaa miyay agtiisa joogtaa oo Sacad Muuse ahi? Dee
maya” ayuu yidhi Cali Guray.