Cali Guray Oo Ka Hadlay 22 Hablood Oo Garxajisa Oo Muuse Gabilay Ku Xidhay

0
Friday August 26, 2022 - 18:34:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo Ka Hadlay 22 Hablood Oo Garxajisa Oo Muuse Gabilay Ku Xidhay

    "Sacad Muuse muxuu jabay saw waxan dhacaya oo dhami xagga dhaqanka iyaga uun kuma qorna"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sacad Muuse muxuu jabay saw waxan dhacaya oo dhami xagga dhaqanka iyaga uun kuma qorna"


Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay 22 hablood oo ka soo jeeda Beesha Garxajis oo Muus Biixi ku xidhay jeelka Gabilay.



Siyaasiga ayaa sheegay inay dhacdadani foolxumo ku tahay beesha Sacad Muuse, waxanu qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo ku yidhi Cali Guray:-

 

"23ka hablood ee Gabilay ugu xidhan uma arko hablihiisii. Garxajis bay isaga u yihiin. Labaatan jirba may gaadhin badankoodu. Inan yar oo Sheekh Madar ka soo dhaadhacday baa taraxda moobil ay sidatay ayuu Askar dhirbaaxo dhegta dabadeeda ku dhuftay. Waxa lagu tuuray shebeglihii. Ma iyada dulmane ah mise waa dhibane inanta yar ee reer Axmed? Kuwan kale waxa lagu xidhay waa sidaa iyo si la mid ah iyadana garxajis ahaan baa loo xidhaye gadaal bay reerka ka noqotay.

 

Sacad Muuse muxuu jabay saw waxan dhacaya oo dhami xagga dhaqanka iyaga uun kuma qorna oo la odhan maayo berigii Sacad Muuse madaxwaynaha noqday bay ahayd. Wallee Dhaan Dambaan Faytinow Cidina Kuu Dhiiban”

 

Musharax Ciro oo hablahan jeelka Gabilay ku booqday ayaa soo arkay xaalada ay ku suganyihiin.

Loading...
Loading...