"Gacantaadda Ha Ku Dhaxal-Wariigin Dhulkaga Hooyo."
Waxaan taageero mug iyo
miisan leh la garab taaganahay Mayirka magaaladda Hargeisa Cabdi karim Axmed
mooge ,atinta uu kaga hadley QOXOOTIGA DHAQAALAHA EE OROMADDA,
Arinta in laga joojiyo
lacagta ay aroortii siinayaan oromada bakhaarada iyo tukaamadu waxaan ka howl
galney 2015 aniga iyo nin haystey sariflayaasha bal timir iyo roodhi ayaan tukaadda ganey sadex cisho markey timirtii
siyeen dib umey iman,waar somaliland ayaa dadkeedii macuulayaan ee wax siiya oo
oromada ka joojiya.Waa laga raafa Herer,Diridhaba iyo Ardi-sababa waar ka raafa
Borama,Hargeisa iyo Berbera.
Dharaartuu
guumeysigu-Muska kaaga soo dhacay
Dhayal kuhuma uu
degin,-Dhoy-laawihiiyoow
Badda weyn
dhexdeedaa-Saan loogu dhiiboo
Xeer la
dhaabadeeyaa-Dhaxal looga reebii,
Weli gaal kumuu
dhalan-Dudiyeey korkaagee
Hargeysaay ha
dheelliyin-Ha dhantaalmin weligaa.
Dadka kugu
dhex-noolbaa-Dhiidhiga ka simanoo
Dheddig iyo
labkoodaa-Iaku dhiibi warankee.
Dhamaan ummadda
Somaliland waan salaamaya ISCW,Waxaan xalkan ku iftiiminaya oon ku qaada
dhigeyna qadiyad aan indhaha laga qarsan karin oo dhibkeedu inagu soo socda
hadhowna aynu farta dhexda ka qaniini doono hadaan maanta wax laga qaban.
Waxa igu kalifey
maqaaladan oo taxane noqon doonta oon aad ula yaabey 2015 oo Hargeisa lagu
caleemo saarey Suldaan oramo ah oo waliba lagu sharci gareeyey waaba Suldaan
Shaydaan Bilisadii shacabka la dajiyey ee madaxda ka ahaa ciidankii oramada ee
1977 ilaa 1991 inala dagaalamayey.
Tariikhdu waa soo
noqnoqata oo wax dhacay waqti hore ayaa dib u soo noqda marka maanta tan jirta
ee barkacyadan Oramadda ahi ay ku bara dagayaan dhulka Somaliland mid hore u
dhacdey 1977 ilaa 1991 ayey ahayd,se labada xaladood tan maanta socota iyo tii
hore waxay ku kala duwan yihiin mida hore xoog ayuu Siyaad Bare u dajinayey tan
maanta se inaga ayaa gacmaheena ku dajinayna waana aynu gorfeyndoona.
Dowladii Siyaad Bare
waxay dajineysay Somaliland saddex qolo oo ah Oromo(SOMALI ABOO),Somali
Galbeed iyo Dad gaara oo Koonfurta
Somalia ka yimid.Waana kii cali Xasan Roodhiile(Cali Banfas) lahaa:
Magaaladu hadday
durugto waa,deris gallaadeede
Xaafadii Dulmaygaag la
baxay,daadafka Xawaadle
Dulucgii Cilmiyo
geerashkii,laysu dacareeye.
Sheedaha ka doonaa la
yidhi,kii la duudsiyey
Daadduunkan ay soo
wadaan,debedda kuu saarye
Duumay la soo wada
galeen,degelladeeniiye
Daacuunka ay
beerayaan,kama daweetane
Iyagaa dalkoodii ka
yimid,duulkan soo qaxaye
Dhushaa adi lagaa
saarayaa,kugu danaystaane
Dan-wadaagga ay
sheegayaan,waa waxay dilaye
Dawladdii ad tuurtaa
nabsigu,kugu dilayaaye!!!
Runtii waxaa jirta
maanta arin u baahan ficil waayo??? waad ogtatahay in Somaliland bad ku soo
faruurantey Oroma ahi waana dad tiradoodu ad u badan tahay.Waxaa is weydiin
mudan maxay dadkani u yimaadan Somaliland? Qoxootigu waa wax jira oo waa sida
Suuriya iyo sidey ahayd Ummadda Somaliland 1988 se Oramadu waa ka gadisan tahay
waa dad aaminsan iney leeyihiin dhulkan Somaliland oo bari hore laga qaadey.
Siyaad Bare markii uu
ku beerayey Somali galbeed waxay ahayd arin aad u weyn oo qasab ah waxaa 1977
ilaa 1986 la dajiyey qoxooti Orama ah waxaanu u bixiyey SOMALI ABOO tiradoodu
waxay ahayd 1.200,000 ilaa 1.900,000 qof waxaa la dajiyey meelaha ugu fiican
Somaliland ee biyaha leh waxaa ka mid
ahaa:Agabar,Bixin.Arabsiyo,Adhi-caddays,Biyooley,Dacawaley,Dhaamka
Hargeisa,Gannad Hargeisa,Laas-dhuure,Dhamuug,Darbi-hore,Tog Wajaale,Saba-cad
iyo meelo kale oo aad u badan.
Waxaa taliska Siyaad
Bare uu caalamka ugu sheegey iney dadkani yihiin qaxooti ku soo barakacay
dagaalkii 1977 ee Itaabiya iyo Somalia dhex marey.Se bartilmaameedku wuxuu ahaa
in Somaliland la dajiyo dad sida ku cad WARQADII SIR CULUS ee Moran uu siyaad u
qorayey.
Caalamku qoxootiga aad
ayuu u caawiyey sidey u dagi lahayeen Somaliland waxaana ka shaqeynayey
ururrada sama falka ee caalamiga ah
waana kuwan:
<>Swedish Specail
unit for disaster Relief (SSUDR).
<>Association
Francaise de Voluntaires Du Progres.
<>Catholic
Instittute for International Relief (CIIR).
<.Leaque of Red
Cross societies(LRCS).
<>Mennonite
Central Committee (MCC).
<>Swiss disaster
Control(CDC).
<>World Vision
International (WVI).
<>Food for the
Hungry International.
<>Oxfam,
<>Africare.
<>Germal Red
cross (GRC)
<>International
Christian Aid (ICA).
<.Medicine Sans
Frrontiers (NSF).
Germal Technical Relief
.
<>Italian Health
Team (AUCI).
<>Order of Malta
(SMOM).
Save the Children Fund,
<>Swedish Church
releif.
<>Help the Aged.
<>TearFund.
Dhamaan ururadda wuxuu
Siyaad Bare amar ku siiyey iney shaqaalaha ka dhex qortaan qaxootiga oon la
qoran dadka Somaliland u dhashey.
Sir ma qabe Allow sahan
u ah ee waxa la heley 23kii bishii January 1987 waraaq uu Morgan u dirayo
Siyaad Bare dushana ay kaga qoran tahay SIR CULUS warqada waad ku arkeysa sidii
loo dhaxal wareejin lahaa dhamaan dadka Somaliland.
Oramadii waxaa guryo
waaweyn laga siiyey shacabka waxaana abaan duule u ahaa SULDAAN SHEEKH
BILISO,dhamaan qaxootigii waxa laga dhigey Askar oo Guulwade,NSS,Ciidanka
qalabka Sida,
Hadaba maanta tan
Somaliland ka socota waa tii oo kale oo aynu inagu gacanteena ku dhaxal
wareejineyno dhulkeena hooyo waynu la socona in Guri walba oo Hargeisa uu
ilaaliyo qof orama ahi,waan la socona in ka kabaha kuu balasheeya uu oroma
yahay ,waan la socona ka gawaadhida ku meydha inuu oroma uu yahay waan la
socona ka maqaaxidda kaga shaqeeya inuu oroma uu yahay waan la socona ka
maqaaxida ka shaqeeya uu orama uu yahay ilaa kan dawarsada,biyaha
dhamiya,kaariyoonaha wata,iminka ilaa tukaamadda ilaa iney Gudoomiyaha
barlamaanka ilaaliyaan waa la og yahay.
Arimaha wax talo uga
yaala iyo Siyaasad cad ma jiraan sababta ay dowladu arintan wax uga qaban
weydey waa maxay???? Se xusbiyada mucaaradku maxay uga hadli wayeen waa maxay
sababtu????
Dowaladu waxay uga
hadli weyday oo wax uga qaban weydey waa laba arimood,
1-Wax siyaasada oo
aqoona oo qoraala oo xeer ah oo ay hayaan ma jirto oo uga yaala oromada wadanka
soo dagaya mid shaqeeya iyo mid dawarsada wax xeer ah oo u yaala ma jiro.
2-Tan kale wasiir wal
oo arimaha gudaha ahi wuxu ka baqaya Itoobiya ayaa il kugu eegi ma oga in
oromada laga mustaafuriyo Jigjig,Adisaba,Diridhaba iyo Herer oo loo
mustaafuriyo meelaha ay degan yihiin.
Tan kale ee xusbiyadu
uga hadli wayaan waa oramada codka ayey ku siin waayi markey tuugadda ku
qaataan kaadhadhka codbixiyaasha SUBXAAN ALLAAH.
Dawladeenu ama wasiir
walba oo arimaha guduhu iyo xusbiyaduba waa sida sidey ugu habranayaan Oromadan
sidii daadkii waaheen ku soo faruurmey wadankeena,Daljiroow waxaa inala gudboon
halgan aan wax kaga qabano arimahan.
qaylo dhaan iyo kacdoon
siyaasadeed oo oromada sideynu u hor istaagi lahayn ayaa maanta loo baahan
yahay inago cidna dhibaato u geysaneyn.
Waa inoo iyo maqaaladda
danbe ee aynu ku qaada dhigi doona sida loo joojin karo iyo Tariikhdooda iyi
tarkiikhdii Mililik iyo xala salaase iyo siyaasada laga rabo xeebaha
Somaliland.
ILLAAHAY HA HOW
GARGAARO SOMALILAND AMIIN>>>>AMIIN>>>
MAHADSANID
Mahad Ali-salaan
Bristol
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!