Xildhibaan Khadar Cali Xakiin Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Tuulada Ceeryaan
Hargaysa (HWN)
Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka
hadlay dil ka dhacay tuulada Ceeryaan ee Gobolka SANAAG oo sababay mudaharaadyo
ay ka dhasheen khasaare kale.
Xildhibaanka ayaa
qoraal uu dhacdadaasi kaga hadlayo kuyidhi:-
"Arrinta
Ceerigaabo;
Ilaahay ha u
naxariistee waxa gacan ka Xaqdarani ku dishay Tuulada Ceeryaan Marxuum Jamac
Xuseen Toor, arrintaasi waxay sababtay kacdoon wayn oo magaalada Ceerigaabo ah,
kacdoonkiina wuxu sababay Khasaare Nafeed iyo Mid Maaliyadeed.
Waxaan usoo jeedinayaa
ehelada Marxuumku ka dhintay waxaad ku suntantihiin nabadda Gobolka, dilkii
hore ee ka kadhacay Ceeryaan waxaad sababteen inaad Sumcad usoo hoysaan Degmada
Ceerigaabo iyo Guud ahaan Gobolka Sanaag.
Ugu Danbayn waxaan
usoo jeedinayaa reer Awawgay oo ah
ehelka Marxuumka inay hawsha fududeeyaan
marhaddii masiibadu dhacday, ayna wanaaga ka raacaan iyagoo Xaq u leh
doodoodana haddana waxaan jecelahay inay dhinaca fududaynta ka raacaan oo sidii
sunnaha u ahayd yeelaan.
Ilaahay Marxuumka ha u
Naxariisto."