Xabadiyo Xidhiyo Qabo, Xaraaraday Shidaayo, Xornimaday Horseeda. Kulkul Bay Xalkaas Tahay
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu khaas ahna
bahda H/W iyo akhristayaasha.
Xuman ruuxi kaydsada,
xaggna ugama cararee,
xaasilka way sugaysaa,
xaqdarana ayaamaad,
xoog libin ah moodaa,
xumadeedse kuu maqan,
xakamaynta hadalkiyo,
xabada iyo xidho qabo,
xaraaraday shidaayoy,
xumaantad ka gubataa,
xornimaday horseedaa,
xamilkiisan awr qaadye,
xadhig qaloocanba dilay,
xigmaduna waxay tahay,
xerteenan talada haysa,
xoog meesha kuma iman,
xulashadi may xishmeyan,
xoolahaaba xoorkii xusuus,
lagu xergeya xero logu oda,
xal u raasha qaranimadan,
xaqoodii guda dadweynaha,
xurmayntoodu waa nabada,
xasiloonaanta lagu dhaqo.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!