Xuduudaha Isku furan Ee Wadamada Yurub Sidee Ayey U Saameeyeen Dadka Soomaalida Ah?

0
Friday March 08, 2019 - 17:40:13 in News by
  • Visits: 1768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuduudaha Isku furan Ee Wadamada Yurub Sidee Ayey U Saameeyeen Dadka Soomaalida Ah?

    Xuduudaha Isku furan Ee Wadamada Yurub Sidee Ayey U Saameeyeen Dadka Soomaalida Ah?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuduudaha Isku furan Ee Wadamada Yurub Sidee Ayey U Saameeyeen Dadka Soomaalida Ah?

Inta badan dalalka Yurub waxa ay ku bahaysanyihiin hal urur oo sahlay in si fudud loogu kala gudbo dalalkan, iyada oo meelaha badan uu hal qad tareen ka dhex shaqeeyo.


Taas waxa ay kuula muuqan kartaa arrin aad u wanaagsan oo sahlaysa isu socodka dadka, balse Soomaalida ku nool dalka Sweden ayay dhibaato cusub kasoo wajahday arrintaas.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta iyo kuwa bulshada Soomaalida Sweden ayaa BBC-da u sheegay in dilalka sii kordhaya ee dhallinyarada Soomaalida iyo kuwa ku biiraha kooxaha dambiyada abaabulan ay ugu wacantahay xuduuddaha isku furan ee Yurub.

Waxaa sii kordheysa dilalka ay isu geysanayaan ama loo geysto dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden,danbiyadan ayaa salka ku haya inta badan kaganacsiga mukhaadaraadka iyo hubka sharci-darrada ah.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta iyo kuwa bulshada Soomaalida waxey walaac ka muujiyeen tirada dhalinyarada cusub ee ku biiraysa kooxaha dambiilayasha ah.

''Waa arrin aad murugo u leh dilalkuna aad ayey ugu badan yihiin dhalinyarada soomaaliyeed ee dagen magaalooyinka waaweyn,xitaa waxey soo gaadheen magaalooyinka yaryar,waa ayaan-daro in dhalinyaro ka yar labaatan jir ay is dilaan,arrintan ayaa salka ku haysa ka ganacsiga mukhaadaraadka'' sidaas waxaa BBC-da u sheegay Sheekh Xuseen Faarax oo ah Imamka masaajidka xaafadda Rinkeby ee ay Soomaalidu ku badan tahay ee caasimada Stockholm.

Waalidiinta ayaa saluugsan xaduudaha isku furan ee Yurub kuwaas oo sahlaya in hubka iyo maandooriyuhu si fudud ku soo galo Sweden,

Waxaa jirta sababo badan oo fududeynaya in ay sii kordhaan dilalka ka dhex dhaca dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Sweden,waakan markale sheekh Xuseen oo ka hadlaya arrinkan.

''Waxbarashada oo hoosaysa,waalidiinta oo aan qaadan doorkii ay ku lahaayeen barbaarinta wanaagsan,halka waalid badan ay ku mashquulsan yihiin maalgalinta dalkii hooyo badalkii ay caruurta maalgalin lahaayeen,waxaa jirta in dawladu ka gaabisay doorkii ay lahayd si fudud ayuu qofku ku heli karaa hub,dawladu waxey kordhisay sharciyada ciqaabta waqtiyadan danbe,mar aanu la kulanay taliyaha booliska ugu sareeya wuxuu noo sheegay in xalka looga fadhiyo baarlamaanka oo ah meesha laga hago sharciyada ay ku dhaqmaan laamaha amaanka dawladu''

Dillalkan waxaa ay hore uga dhici jireen dalal badan oo Soomaalidu ay ku qaxeen, balse waxaan la ogen sida loo kaxameyn-doono dhalinyarada cusub ee ku biiraysa kooxaha dambiilayaasha,wadanka Sweden waxaa ku nool tiro soomaali u dhaxeysa boqol ilaa shagaashan kun oo qof.

 



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...