Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Guddida Dhexdhexaadinta Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Iyo Qodobada Laysla Gartay

0
Tuesday August 23, 2022 - 15:07:39 in News by Abdi Good
  • Visits: 5126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Guddida Dhexdhexaadinta Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Iyo Qodobada Laysla Gartay

    Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Guddida Dhexdhexaadinta Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Iyo Qodobada Laysla Gartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Guddida Dhexdhexaadinta Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Iyo Qodobada Laysla Gartay


Guddida dhexdhexaadinta ee ganacsatadu dedaalkooda oo dhan waxay iskugu geeyeen inay labada dhinacba guulaystaan oo ay heshiiska ka dhex arkaan maslaxadooda ilaa hadana waxay wararku sheegayaan inay jiraan qodobo ay ergadu hordhigtay mucaaridka iyo muxaafidkaba.


Sadexda qodob ee ilaa hada ay ganacsatadu hordhigtay labada dhinac ayaana kala ah.

1. in labada doorasho laysku sidko.

2. in maxkamada sare layskula noqdo.

3. In xisbiyadu ay ogolaadaan doorashada ururada.

Warku waxa uu sheegayaa in kulamadii ay guddidu la qaateen labada dhinacba ay ka soo baxeen in layskugu keeno karo doorasho isku sidkan oo xisbiyaduna u tartamaan madaxtooyada, xisbiyada hada jira iyo ururaduna u tartamaan sadexda u gudbaya xisbinimo.

Muuse Biixi waxa uu guddida ka horkeenay inuu sharciga dalka raacayo, kulamadii uu guddida ergada ah la qaata ayaanu ku hordhigay dastuurka iyo xeerka 14aad, balse waxa uu aqbalay soo jeedinta ergada oo ku cadaadisay doorasho isku sidkan, golaha wasiirada ayuu maantana u sheegay inuu aqbalay qodobkaas isaga oo si gaara ula kulmay kuwa aad u taageersanaa aragtidiisii hore oo ay ka mid yihiin Maxamed Kaahin iyo Siciid Sulub.
Ergadu xisbiyada mucaaridka mid kasta gaarkiisa ayey ula kulantay, taasina waxay keentay in mucaaridku kala mawqif noqdo, xisbiga Ucid midna muu taageerin sadexdan qodob halka waddani uu u janjeedho aqbalaada doorashado isku sidkan balse u baahan sharciyo adag oo qasab ka dhigaya in baarlamaanka layskula noqdo oo madaxweynuhuna dhaqangeliyo taas oo ay ku adkaysanayaan gudoomiye Xirsi iyo musharax Cirro , hogaanka Waddani waxay ergada u sheegeen inay aqbali karaan oo kaliya go’aan uu Faysal Cali Waraabe kula socdo iyaga oo ilaalinaya iskuduubnida isbahaysiga mucaaridka.

Ergadu dhexdhexaadintu waxa kale oo ay wadaan qorsheyaal kale oo ay doonayaan inay meesha kaga saaraan dooda Muuse Biixi ee la xidhiidha in sharcigu qorayo mudo kordhin isaga loo sameeyo, xisbiyadana aan loo kordhin Karin, waxaanay diyaarinayaan sharciyaqaano maadaama oo baarlamaanka layskula noqonayo.

sidoo kale ergadu waxay la kulmeen ururada siyaasada waxaanay hordhigeen qodobka tilmaamaya doorasho isku sidkan, balse warku waxa uu sheegayaa in ururada kale soo dhaweeyeen balse Gaboose aad uga soo horjeedsaday iyada oo ergadu u sheegtay in aqbalaada qodobkan oo kaliya ay u furan tahay digtoorka.

Warbixin faah faahsan ayaan idiin soo gudbinayaa


Loading...
Loading...