Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Awooda Uu Wasaaradda Qorshaynta Ku Dhex Yeelanayo Wasiir Sacad.

0
Saturday June 08, 2019 - 16:33:13 in News by
  • Visits: 3548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Awooda Uu Wasaaradda Qorshaynta Ku Dhex Yeelanayo Wasiir Sacad.

    Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Awooda Uu Wasaaradda Qorshaynta Ku Dhex Yeelanayo Wasiir Sacad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Awooda Uu Wasaaradda Qorshaynta Ku Dhex Yeelanayo Wasiir Sacad.


Hargaysa(HWN)Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka somaliland Xuseen Ibraahim Buuni iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Ayaa Si Wadda Jira waxa ay u shegeen in shaqadii wasaaradda uu gacanta ku hayo wasiir ku xigeenki waxaana ay faah-faahiyeen awoodaha uu leeyahay wasiirka  maaliyadu.




Masuuliyiintan oo maanta qaybo ka mid ah saxaafadda gooni gooni ula hadlay ayaa ugu horayn wasiir ku xigeenku waxa uu faah-faahiyay awoodaha uu wasaaradda qorshaynta ku yeelan doono wasiirka maaliyadda oo madaxwaynahu u igmaday inuu xilka sii hayo inta uu wasiirkii qorshayntu imanayo ayaa waxa uu yidhi.


"waxa xaalad xaafimaad dalka uga maqan wasiirkii wasaaradda qorshaynta somaliland oo hawl maalmeedkii shaqo ee wasaaradda qorshayntuna sidoodii ayuu u socdaa waanan wadnaa anaga ayaa hogaaminayna ka wasiir ku xigeen ahaan oo aniga ayaa hogaaminaya iyo waliba agaasimihii guud ee wasaaradda oo hawshiina way socotaa.Sidaas ayaa uu yidhi wasiir ku xigeenka qorshaynta somaliland Xuseen Ibraahim Buuni.


Intaas waxa uu ku daray wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland isaga oo hadalkiisa siiwata.ā€¯Wasiir sacad wasiirka maaliyadu waxa uu shan sanadood soo ahaa wasiirkii wasaaradda qorshaynta xukuumadii madaxwayne siilaanyo hogaaminayay markaas madaama oo uu waayo aragnimo iyo aqoon badan wasaaradda u leeyahay si waayeelnimo iyo tallo aanu uga baahano ayuu wasiirku nasiinayaa intaas uu wasiirkii wasaaraddu maqan yahay,markaas waxaan idiin sheegayaa in shaqadii wasaaradda inaanu anagu wadayno wasiir sacadna talo mooyaane hawlo kale gacanta kuma qaban doono.


Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inaanay jirin sabab shaqadii wasaarada loo siyaasadeeyo waxaana uu cadeeyay in loo baahan yahay in bulshadu ay kala saarto qabiilka iyo qaranka waxaana uu yidhi.


"nina kursiga uma joogo inuu qoyskiisa u shaqeeyo waxa aynu u wadda joognaa dalka in aynu qaranka u shaqayno madaxwaynaha somaliland waxa uu noo magacaabay inaanu qaranka u adeegno markaas waxaanu nahay adeegayaal ummadeed oo waxaanu u shaqaynaynaa qaranka somaliland.


Dhinaca kale wasiirka wasaaradda maaliyadda somaliland Dr Sacad cali shire ayaa ka hadlay sababta keentay in madaxwaynahu u igmado inuu maamulo wasaarada qorshaynta qaranka somaliland iyo sababta keentay waxaana uu yidhi.


"waxaanu nahay koox ay wadda shaqayni ka dhaxayso oo imikaba wada shaqeeya madaxwaynahuna kalsooni wayn ayuu ku qabaa wasiir xuseen oo waa nin dhalinyaro Ah oo imikaba hawl maalmeedka wasaaradda wasiir ku xigeenka ayaa wadda oo halkaasna wuu ka siiwadi doonaa anigana kaalintaydu waa mid kaabis ah oo madaxwaynahu awood ayuu u leeyahay in xil kaabis ah sidan oo kale ugu magacaabo oo waa arin soo jireena oo wax cusub maaha,markaas waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay magacaabisayadu ahayd mid wax u dhimaysa cid kale xilka mansabka iyo maamuuska waxa iska leh wasiir ku xigeenka ana waxaan ku biirinayaa oo kali ah waa tallo iyo waayo aragnimo.


Wasiir sacad cali shire ayaa sheegay in madaxwaynihii hore ee somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u igmaday marar sii horaysay xilka wasaaradda boosaha iyo is-gaadhsiinta somaliland,waxaana uu sheegay in xilka loo igmadayna uu la mid yahay tii madaxwayne siilaanyo u igmaday oo kale.


Loading...
Loading...