Ma Fiican Tahay In La Cuno Kalluunka Maalin Kasta?
Haddii aad awoodid ama
heli kartid Kalluunku marka hore waa
hilib cad, kaas oo ka mid ah cuntooyinka ugu caafimaadka badan.
Hilibka kalluunku waa
mid jilicsan oo macaan, qanina ku ah nafaqooyinka, mana lahan wax saameyn ah.
Kalluunka waa la cuni karaa maalin kasta.
Marka la barbardhigo
hilibka cas sida hilibka lo'da, hilibka geela iyo ariga, kalluunku waxa ku yar
calories iyo dufanka dheregsan, markaa cunista kalluunka kuuma yeeli doonto
buurni.
Kalluunka intiisa badan
waxaa ku badan borotiin, qiyaastii 15 ilaa 25 boqolkiiba. Barootiinka kalluunka
waa borotiin tayo sare leh oo nuugista heerka nuugista ah ilaa 96%, taas oo ah
il nafaqo oo aad ugu wanaagsan jirka bini'aadamka .
Tan ugu muhiimsan,
kalluunka waxa uu qani ku yahay Omega-3 fatty acids – oo ah nooc ka mid ah
asiidh dufan ah oo aan saturated ahayn.
Sanado badan,
cilmi-baarisyo badan ayaa muujiyay in Omega-3 fatty acids ay saameyn muuqata ku
leedahay ka hortagga iyo daaweynta cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.
Intaa waxaa dheer,
kalluunka waxa kale oo ku jira fiitamiin A, fitamiin E, fitamiin D, iyo macdano
sida calcium, magnesium phosphorus, manganese, selenium, zinc, iron, iyo
potassium.
Qoraalkan waan soo
tarjumay waxaanan ka soo xigtay Dhakhtar Lucia oo ah dhakhtarad ka shaqaysa
Cisbitaalada mareykanka.
Siciid Xagaa
Injineerka Dabiiciga
ah.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!