Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Shaaciyey Qorshe Jeelka Lagu Dhigayo Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Mucaaridka Ka Tirsan
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Shaaciyey Qorshe Jeelka Lagu Dhigayo Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Mucaaridka Ka Tirsan
Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka mid ah golaha wakiilada somaliland ayaa shaaciyey in xadhiga Suldaan Cade Gude uu hordhac u yahay qorshe lala maagan yahay in jeelka lagu dhigo siyaasiyiin miisaan leh ooka tirsan xisbiyada mucaaridka ah.
xildhibaan Axmed Khaliif oo ka hadlaya xadhiga suldaanka ayaa waxa uu yidhi:-
"Xadhiga Suldaan Cade Gude Waa Yool Baadh Siyaasadeed ama kuday siyaasi ,hadba kaad utaqaan. Waxuuna Hordhac Uyahay ,Siyaasiyiin kale oo lala damacsan yahay Xadhig.
Waxaana Kow ka ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan.
Hadii Xadhiga Suldaan Cadde Gude uu u Meel Maro Waa Hubaal Inay Ku xigidoonaan .
Madaxkale oo iskugu Jira Xildhibaano Golaha Wakiilada ah iyo Sakaariil Sar Sare Oo Xisbiyada Mucaaradka ah Iyo Salaadiin ,oo hada Qaar kamid ah Madaxda Xukuumada iyo Laamaha Amnigu Ay Kuhawlan Yihiin Qorshayaashii Lagu Soo xidhi lahaa.
Hadalkan aan Sheegayo Maaha waxaan Saaka iskala soo toosay oo aan iska leeyahay ee waa Xaqiiq jirta ee goorta iyo waqtiga ay dhacayaana Waqtigaaa Horteena keeni doona .
Wabilaaahi Towfiiq"
Loading...
Loading...