Wiil Uu Dhalay Suldaan Cada-gude Oo Sheegay In Loodiiday In Uu Abihii Ugu Tago Saldhiga
Hargaysa (HWN) Wiil uu
dhalay Suldaan Cada-gude, oo la yidhaa Maxamed ayaa ka hadlay xadhiga xukuumada
Muuse kula kacday aabihii.
Maxamed Suldaan ayaa xukuumada Muuse Biixi
usoo jeediyay in xadhigu aanu xal ahayn, ayna ka dhashaan kacdoon shacab.
"Jeelka dhexe ayu
ku jira aabo caawan u tagnay way noo diden inan la kulano macaan iyo dhiikarbu
leeyahay,Xadhiga aabahay waxaan u sheegayaa xukuumada wakhtigedu dhamaanayo ee
maalmaha koobani u hadheen iyo ciidanka booliska ee ku dhex milmay arimaha
siyaasada in aan dalkan iyo dadkan lagu haysan karin xadhig iyo awood ciidan
midna,
Dastuurka dalka hala
ixtiraamo hadii kale waxa ka dhalan doonta kacdoon shacab".
Xalay ayaa suldaanka
lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa, ilaa hadana majiro masuul ka
hadlay xadhiga Suldaan Cada-gude.