Shaqaale Shaqada Looga Eryay Maxaad Utaageertay Musharax CIRO
Hargaysa (HWN) Wiil shaqaale ka ahaa madaarka Hargeisa ayaa shaqadii looga eryey in uu taageero murashax Cirro.
Wiilkan oo layidhaa Cabdirisaaq
ayaa sheegay in uu 11 cisho u xidhnaa
eedayn ah in uu taageero Murashax Cirro, balse ay maxkamadu sii daysay kadib
markii ay wax danbi ah ku wayday.
"Maxkamadu wax danbi ah
way igu wayday waana la I sii daayay, balse markii aan saaka shaqadii ku
laabtay ayaa gudoomiyihii haystay qaybta aan ka shaqeeyo waxa uu igu wargaliyey
in shaqadii la iga eryeyā€¯. Ayuu yidhi Cabdirsaaq
Cabdirisaaq waxa uu ka
mid yahay dhalinyarada firfircoon ee xaafada Daami, waxaanu madaarka Hargeisa
ka shaqaynayay mudo gaadhaysa 10 bilood.
Maaha shaqaalihii ugu
horeeyay ee shaqada looga saaro waxa aad taageertay mucaaradka, balse waxa isna
ka horeeyay wiil ka shaqayn jiray wasaarada biyaha oo sheegay in uu xilkiisii
ku waayay waxa aad taageero umuujisay xisbiyada mucaaradka Somaliland.
Dhaqankan ayaa ah dhaqan
foolxun oo ka dhex jira xukuumada Muuse Biixi, lamana hubo in uu Madaxwaynuhu
kawarhayo arinkan.