Iyada Oo La Ogyahay In Page-Kii Wasaaraddiisa Inan Yar Oo Caddaan Ahi La Wareegtay Ayuu Wasiirku Guulwadayn Kaga Mashquulsan Yahay Shaqadiisii.

0
Sunday August 21, 2022 - 18:35:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Iyada Oo La Ogyahay In Page-Kii Wasaaraddiisa Inan Yar Oo Caddaan Ahi La Wareegtay Ayuu Wasiirku Guulwadayn Kaga Mashquulsan Yahay Shaqadiisii.

    W/Q : Sakariye Suldaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q : Sakariye Suldaan


Waxaan Mardhawayd daawaday Wasiirka wasaarada isgaadhsiinta somaliland oo la waraysanaayo

Runtii waxa ayaan daro ah in uu wasiirku si ka baxsan anshaxa oo jeesjees ah uga jawaabay suaalo laga waydiiyay maalintii mudaharaadka salmiga ah ay dhigaayeen xisbiyada mucaaridku ee ku beegnayd  11-08-2022



Waxaan aad ula yaabay mar la waydiiyay suaal u dhignayd yaa laayay dadkii mudaharaadka salmiga ahaa samaynaayay ee ay dadna ku dhinteen dadna ku dhaawacmeen ?


Waxa uu uga jawaabay si ka baxsan dhaqanka islaamka  waxa uu gabi ahaanba daadifeeyay in ay askartu xabad la dhacday dadkii mudaharaadka salmiga ah  samaynaayay oo aynu ognahay in ay qaarna dhinteen qaarna dhaawacday


Wasiirka waxaan waydinayaa ma iska yeelyeelba hadalkaagu oo waa ku wiirsi iyo jeesjees dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaadkii salmiga ahaa ee ay xisbiyada mucaaridku sameeyen 11-08-2022 mise waa kaa aqoon daro


Waxaan kaloo wasiirka waydiinayaa xagee buu ku danbeeyay pagekii wasaarada isgaadhsiintu oo aynu ognahay in ay gabadh yar oo cadaan ahi jabsatay oo ay la wareegtay ?


Tani waxay ina tusaysaa in wasiirku garan la yahay shaqadiisi kuna jeestay sidii uu dawlada ugu guulwadayn lahaa una difaaci lahaa si indha beelnimo ah


Waxaan leeyahay wasiirka hadalka aad tidhi maanta waa kayd taariikheed oo kuu yaala waxaanay noqon doontaa wax lagugula  xisaabtami doono marka dawlad miyir qabtaa timaado


Waxa  Qoray Eng Sakariye Abdi Ismail (Sakariye Suldaan) Oo Kamid ah saraakiisha golaha dhexe ee xisbiga waddani

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...