Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Ku Canaantay Socdaalka Uu Yuusuf Garaad Ku Joogo Magaalada Hargeysa

0
Sunday August 21, 2022 - 11:34:57 in News by Abdi Good
  • Visits: 1252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Ku Canaantay Socdaalka Uu Yuusuf Garaad Ku Joogo Magaalada Hargeysa

    Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Ku Canaantay Socdaalka Uu Yuusuf Garaad Ku Joogo Magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Ku Canaantay Socdaalka Uu Yuusuf Garaad Ku Joogo Magaalada Hargeysa
May be an image of 3 people


xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay socdaalka uu Yuusuf Garaad ku joogo magaalada Hargeysa.

xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo la hadlay warbaahinta ayaa nasiibdaro ku tilmaamay inaanay xukuumadu wax talaabo ah ka qaadin Yuusuf Garaad oo Hargeysa jooga xilna ka haya dawlada soomaaliya, waxaanu yidhi xoghayuhu:


In madaxdii dalka aynu jaarka nahay ee madax-bannaanideena inuga haysta dalkeena loo fasaxo waxay lafajab ku tahay qadiyadeena iyo dareenka shacab weynaha JSL.


Imashada iyo joogitaanka Yuusuf Garaad oo Xil u haya maamulka xamar ka jira waxay meel ka dhac ku tahay shuhudeheenii xoriyadda umadda naftooda u huray, kuwii ku dhaawacmay iyo halgankii dheeree oo uu majaahidiintooda uu kow ka ahaa maxruumkaynu shalay aasnay Maxamad Ibrahim Warsame "HADRAAWI” .

Abwaan HADRAAWI Somalinimada iyo qaddiyadda iyo aayo ka taliska umaddani wey u kala soocnaayeen waana ayaan darro in aaskiisa lagu soo gabbado laguna buriyo mabaadiidii ay umaddu isku ogayd.

Dhan kasta oo loo rogo waxay arintaasi diraysaa fariin lid ku ah hadafka iyo himillada shacabweynaha JSL. Hadal iyo murti waa xad iyo albaabo ay xukuumaddan uu Madaxweyne Muuse Biixi hogaaminayo doonayso in ay furto waananu ka soo hor jeednaa. Waanu khiyaamo qaran ee shacabku ha ku baraarugo inta aanay "wado halaq” noqon.

Xoghayaha Warfaafinta - xisbiga WADDANI
Maxammud Aadan Jaamac "Galaal”

Loading...
Loading...