" Waar Ma Hadraawi Ayey Tidhaahdeen Waa Habarjeclo.?!" Abwaan Gaariye.

0
Sunday August 21, 2022 - 09:54:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Waar Ma Hadraawi Ayey Tidhaahdeen Waa Habarjeclo.?!" Abwaan Gaariye.

    Qallinkii Saddam Mohamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qallinkii Saddam Mohamed

"Ku sinaan sanadii 2011 ayaa aniga iyo Cabdiqaadir Sh Maxamuud aannu salaan iyo booqasho ugu tagnay Macalinkayagii Jaamacada Hargeysa AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) gurigiisii caanka ahaa ee Xaafada Xawaadle, waxa Marxuunka habeenkaas la joogay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil iyo Komishineer Xuseen Cabdi Badhaani oo Labtop hor yaalay, Website ayuu xuseen ku jiray oo uu akhrinayey shabakadaas Suugaanta lagu kaydiyo Abwaanada Soomaalida iyo Qabiikada ay ka soo jeedaan lagu kaydiyo, kolkaas ayuu akhriyey abwaano dhawr ah oo Gaariye ku jiro, markii dambe ayuu soo gaadhay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) website ka ayaa lagu qoray Hadraawi qabiilskiisu waa Isaaq Habarjeclo.



Kolkuu intaa Badhaani akhriyey ayuu Allah ha u naxariistee Gaariye kor u qayliyey  oo yidhi " waar bal waxaas eega Waar ma Hadraawi ayey yidhaahdeen waa HabarJeclo.?! Haraawi ayaanay waxba ka garanayn reernimo iyo qabiil midna maaha , mana yaqaano ee waa nin umaddeed ninkaasi.” Ayuu yidhi Gaariye waxaan xasuustaa si qiiro leh oo cadho ku jirto inuu ugu celceliyey " Waar ma Hadraawi ayey yidhaahdeen waa HabarJeclo.?!”


Arrinta yaabka lehi waxay ahayd Gaariye oo isaga Qabiilkiisa lagu qoray website ka kama hadal mana dhibsan. Laakiin way ku cuslayd inuu maqlo in saaxiibkii Hadraawi reer loo nisbeeyo looguna abtiryo, isaga oo aan aaminsanayn, fikirkiisa iyo dhaqankiisuna ka xor ahaa reernimo. Labadaa odayba Allah ha u naxariisto.

 

Qallinkii Saddam Mohamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...