Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUUSE BIIXI MA SIYAASIBAA? 2-3 (Qaybtii72aad) Maxamed Xoosh

0
Saturday June 08, 2019 - 15:47:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUUSE BIIXI MA SIYAASIBAA? 2-3 (Qaybtii72aad) Maxamed Xoosh

    Qaybtii hore ee maqaalkan weynagii ku xusnay in Muuse Biixi dad gaadhaaya 500

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii hore ee maqaalkan weynagii ku xusnay in Muuse Biixi dad gaadhaaya 500

oo qof ku qanciyay 15 mirir xaga rag badan oo ay isku deegaan yihiin oo shirar badan qabtay ay Sadex Sacadood ku qancin waayeen "Muxuu Muuse Ku Yidhi SIRTU Waataa”

 

Marka la eegaayo salaanka siyaasadda laga soo fuulo taqriiban Siyaasi u eekaa siyaasi kale arki maysid

 

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHN wuu ka duwanaa badanaa soomaalidii siyaasada soo gashay oo dhan sababta oo ah Aabihii X.Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa raga soomaali ugu hantida badan xiliguu ambo qaaday Ina Cigaal duruufta uu ku koray waxay u saamaxday in uu labeentii ummada is bartaan arinkaa oo furre u ahaa aqoonta badan ee deegaanka iyo dhaqanka iyo weliba dadka soomaaliyeed ulaa ku darso Ina Cigaal wuxuu ahaa raga ugu wax akhriska badan soomaalida oo dhan

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuu ka duwanaa Ina Cigaal isagu TACAB uu leeyahay ayuu ku soo galay Siyaasadda wuxuu ka soo galay Hay,ada Ciidanka xiligii halganka oo aan la dafiri karayn doorka ay ku lahaayeen dib u xoraynta

 

Waraysi lagu waraystay Muuse Biixi shirkii boorama 1993 wuxuu ku sheegay halka loo socdo waxaanu doonaynaa in aanu dhisno dawlad si dimuqraadiya isku xukunta oo u guurta Nidaamka Xisbiyada badan iyo in la helo Xuriyad Madaniya iyo Xoriyatul Qawl iyo xuquuq siman …….

 

Ina Cigaal maskaxdiisa waxa ka buuxday afkaar badan uu doonaayay inuu soo dijiyo ama uu dabaqo wuxuu ku guulaystay in badan oo ka mid ah wax badan wey u hadhsanaayeen, wuxuu ku dedaalay in ummadani mid ahaato oo la ururiyo lana jiheeyo ……

 

Muuse Biixi isaga laftigiisa afkaar siyaasi ah maskaxdiisa kama maqna balse wuxuu ku soo hagaagay marxalad dadku doonayaan in HORE LOO SOCDO iyo in musuqa lala dagaalamo , arinkaasaa keenay in ay adkaato DABAQAAD wax badan oo uu ku celcelin jiray waayo HADALKA IYO FULINTU WEY KALA ADAG YIHIIN

 

Alle Ayaa Mahad Leh

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...