Siyaasi Cambaareeyay Socdaalkii Ergeyga Somaliya U Qaabilsan Arimaha Bada Cas Uu Ku Tagay Hargaysa

0
Saturday August 20, 2022 - 13:59:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cambaareeyay Socdaalkii Ergeyga Somaliya U Qaabilsan Arimaha Bada Cas Uu Ku Tagay Hargaysa

    "wuxuu maanta helay fursad qaaliya oo uu ku helay metelaad dhaba"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"wuxuu maanta helay fursad qaaliya oo uu ku helay metelaad dhaba"


Hargaysa (HWN) Siyaasi Cabdilaahi Daamur oo ka hadlay Socdaalkii Yuusuf Garaad oo Xukuumada Somaliya uqaabilsan arimaha Badacas uu kaga soo qayb galay aaskii Marxuum Hadraawi ayaa sheegay in talaabada loogu ogolaaday Yuusuf Garaad in uu Hargaysa yimaado ay ahayd go’aan qaldan.

Siyaasi Cabdilaahi oo baahiyay qoraal uu ku cambaaraynayo go’aanka loogu ogolaaday Yuusuf Garaad in uu Hargaysa yimaado ayaa yidhi:-

 

"Ka soo qeyb galka aaska marxuum Maxamed  Ibraahim haadraawi (alle naxariistii jano ha siiyee) uu ka soo qeyb galay ergeyga  soomaaliya u qaabilsan arimaha bada cas, ma aha karaameeyn la karaameeyey marxuumka, ee waxay ahayd hoos u dhigis iyo khalad siyaasadeed oo u baahan in leys dul taago.

Yuusuf garaad waa diblomaasi shaqo ina khuseysa haya una haya xukuumad halgan ugu  jirta baabi'inta qaranimada SL.

 

wuxuu maanta helay fursad qaaliya oo uu ku helay metelaad dhaba inuu u haysto permission inuu somaliland ku metelo  shaqadaa uu hayo.

 

Marxuum Maxamed Ibraahim alle haw naxariistee, waxaa jira dad badan  oo runtii maanta jeclaa iney ka qeyb galaan aasskaa qaran ee loo sameeyey abwaanka, waxaase joojiyey xeer,  xeerkaasoo diidaya isu socodka siyaasiyiinta labada dal ee somaliya iyo jamhuuriyada SL.

 

Nimanka permission ka siiyey siyaasigaa lama odhan karo waxay karaameeyeen aaska marxuumka, balse waxa halkaa ku jira arima dahsoon oo aan shacabka  loo bayaamin, waana talo dhalatay markii loo arkay in lagaga faa'ideysto janaasadaa marxuumka u soo halgamay dadkiisa iyo dalkiisa.

 

Waanu canbaareyneynaa xeerkaa la jabiyey, waxaanu ku talin talineynaa in  shacabku indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee wax yeelaya qaranimadooda.”


Loading...
Loading...