Muwaadin Iskaa Wax u Qabso ku Banneeyay Laba Waddo oo Isku Xidha Berbera iyo Laasa-dacawo

0
Saturday June 08, 2019 - 15:42:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Iskaa Wax u Qabso ku Banneeyay Laba Waddo oo Isku Xidha Berbera iyo Laasa-dacawo

    Muwaadin u dhashay Somaliland, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ku dayasho mudan oo uu si iskaa wax u qabso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin u dhashay Somaliland, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ku dayasho mudan oo uu si iskaa wax u qabso

ah dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu qabanayo, waxaanu banneeyay oo uu furay laba waddo oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka gobolka Saaxil.

 

Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo ka mid ah aqoon yahanka reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa ragii ka soo qayb qaatay xiligii dib u dhiska dalkan lagu jiray oo dalka muddo ka maqnaa ayaa markii uu dalkiisa hooyo ku soo noqday waxaa uu u dhaqo dhaqaqay in uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto, waxaanu banneeyay oo uu furay laba waddo oo isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Laasa Dacawo oo ka tirsan gobolka Saaxil.

 

Sidoo kale waxa uu wadanka ka sameeyey mudadii uu joogay beero badan oo ah nooca wax soo saarka iyo dalagyada kala duwan isla markaana uu uga dan lahaa sidii uu dadkiisa uga saari lahaa baahida iyo saboolnimada ka haysata  dhinaca wax soo saarka beeraha isagoo ku dhiiri galiyey inay xoogooda wax kula soo baxaan oo ay dhulkooda qotaan

 

Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo horraantii sannadkan dalka Somaliland dib ugu soo laabtay ayaa ku tilmaamay ujeedadda uu dalka u yimi in ay la xidhiidho sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa.

 

Iyadoo markii uu gaadhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil si weyn loogu soo dhaweeyay isla markaana uu deg deg ugu dhaqaaqay waxqabadyo kala duwan oo uu kaga shaqaynayo arrimaha bulshada horumarintooda.

 

Waxaanay dadweynaha gobolka Saaxilaad u soo dhaweeyeen sida hawlkarnimada iyo aqoonta ku dhisan ee uu durba Eng Ibraahin wakhtigiisa iyo maalkiisaba ugu huray in uu ka shaqeeyo arrimaha bulshada isagoo aan dawladda wax xil ah aan ka haynin. Eng Ibraahin ayaa ka mid ahaa madaxdii Xisbiga KULMIYE ee Qurbaha.

 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...