Maxaa Laga Filan Karaa Guddiyada Baadhiseed Ee Ay Golaha Wakiilada, Xukuumada Iyo Xisbiyada U Magacaabeen Mudaharaadadii Ka Dhacay Dalka?
Maxaa Laga Filan Karaa Guddiyada Baadhiseed Ee Ay Golaha Wakiilada, Xukuumada Iyo Xisbiyada U Magacaabeen Mudaharaadadii Ka Dhacay Dalka?
Gud. Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland oo isla markaana ah ku simaha guddoomiyaha ayaa 13 Aug soo saaray qoraal ujeedaddiisu ahayd; U Kuur-galka Khasaaraha Ka Dhashay Bannaan-baxaydii Qasboomay, waxa aanu Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee golaha wakiillada faray in ay u kuurgalaan duruufaha bulshadu kala kulantay bannaan-baxyadii ka gabsoomay magaalooyinka waaweyn ee dalka 11/08/2022 iyo khasaaraha ka dhashay. In ay mas'uuliyiinta hay'adaha ay khusayso u yeedhaan si ay uga xog-waraystaan xaaladaha bannaanbaxyada iyo khasaaraha ka dhashay iyo in ay go'aan gole oo waafaqsan dastuurka iyo xeerhoosaadka golaha ka soo saaraan doorka golaha wakiilladu ka qaadanayo xaaladaha taagan.
![]() |
Maalintii xigtay ayaa xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradkuna ay soo saareen laba qoraal oo isku taariikh ah, ujeeddadooduna aanay ka fogeyn middaas hore; Mucaaradku waxa ay magacaabeen guddi baadhiseed ka kooban sagaal xubnood oo ay fareen in ay warbixin dhammaystiran ka soo diyaariso, tacaddiyaddii Xukuumaddu u geysatay Shacabkii isugu soobaxay bannaan bixii nabadeed, sida qoraal ka lagu sheegay.
![]() |
![]() |
Halka uu madaxweynuhuna magacaabay Guddi xal u raadisa dhammann dhibaatooyinkii dhinacyada badan lahaa ee la xidhiidhay khasaarihii ka dhashay mudaharsadyadii dalka ka dhacay. Sida oo kalana u xilsaaran in ay soo uruuriyaan sababihii mudaharaadku keenay. Khasaarihii ka dhashay. Cidda edda leh iyo Mustaqbalka sida ugu habboon ee xal-waara loo heli karo.
Haddaba, sida aynnu la soconno xukuumaddu hore ayaa ay u sheegtay cidda eedda waxa dhacay iyo masuuliyaddeeda qaadaysa oo ay tidhi waa ‘Mucaaradka’, halka mucaaradkuna uu hore xukuumadda ugu eedeeyey masuuliyadda dhibta dhacday oo dhan. Taasi waxa ay su’aal gelinaysaa faa’iidada ku jirta labada guddi ee ay soo magacaabeen labadan dhianc oo ay caddahay natiijada ay gaadhi doonaan, maadaama oo aanay ahayn guddi ka madaxbannaan, cidda uu dhinacoodu eedda saarayna sii caddahayba.
Waxa ay noqonaysaa warbixin iyo natiijo ay ku qancaan dhinac kasta dadkiisa oo keliyi, weliba aanay ku jirin dadka sida maangalka ah u fikiraa.
Marka ay sidaas tahay cidda keliya ee warbixinteeda la dhegeysan karaa waxa ay noqonaysaa golaha wakiillada oo ah golaha metelaya shacabka, labada dhinac ee is hayana ka shacbiyadda badan oo isagu boqolkiiba 100 metelaadda dadweynaha ku fadhiya.
Sida caadiga ah ee dunida kale laga bartayna baadhitaannada noocan ah waxaa sameeyo ama hoggaamiya golayaasha shacabka.
Loading...
Loading...