Muuse Biixi Oo Fashiliyey Dhexdhexaadin Ay Wadeen Ganacsato Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Bariga Hargeysa
Muuse Biixi Oo Fashiliyey Dhexdhexaadin Ay Wadeen Ganacsato Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Bariga Hargeysa
Warcusub:Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Bariga Hargeysa oo todobaadkan isku xilqaamay dhexdhexaadinta Xukuumada iyo mucaaridka ayaa gabi ahaanba faro-madhnaan kasoo istaagay inay isu soo jiidaan Xukuumada iyo Mucaaradka Somaliland.
![]() |
Saddex cisho ka hor oo ay warbaahinta la hadleen ayay shacabka somaliland u sheegeen in hawshaas ay ku jiraan,balse ilaa hada shacabka umay shaacinin in hawshaasi fashilantay.
Xidhiidho dhawr ah oo aan sameeyay ayaa ii sheegay in hawsha dhexdhexaadintu ka socon weyday dhinaca Korneyl Biixi oo horena madaxdhaqameedka,ganacsatada iyo badi labeenta somaliland ugu hungoobeen.
Odayaashan iyo waxgaradkan arinta galay ayaa u muuqda iyaguna in ay la safan doonaan mucaaradka Somaliland iyo mudaharaadada.
Korneyl Biixi yaa u hadhay? Ganacsatadii diid,madaxdhaqameedkii diid,waxgaradkii diid,cid walbi diid.
Loading...
Loading...