Afar Urur Siyaasadeed Oo Cuddudooda kula Midoobay Ururka WAABERI
Hargeysa (HWN)- Afar
Urur Iyo Taageerayaashooda ayaa ku soo biiray Urur siyaasadeedka Waaberi,
munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo khamiistii ka dhacday magaalada
Hargeysa, xilli maanta la filayo in lagu dhawaaqo wakhtiga ay bilaabmayso
ololaha doorashada urur-siyaasadeedka cusub & xisbiyada qaranku.
Munaasibada oo ay ka
soo qeybgaleen Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka WAABERI Md. Cabdirisaaq Ibraahim
Ataash, Gud-xigeenka WAABERI Md. Mustafe Qodax, Xoghayaha Guud ee WAABERI Marwo
Salma Cabdiraxmaan, masuuliyiin iyo taageerayaashooda, Gudoomiye Cabdirisaaq
Ku-jare ee HAYAAN, Gudoomiye Cabdulqaadir Xaamud ee HANAQAAD, Gudoomiye Marwo
Suhuur Xasan Abiib ee UGBAAD & Gudoomiye Cabdirashiid Shiine, ee MURUQMAAL
iyo taageerayaashooda ayey dhamaantood sheegeen inay cuddudooda ku biirin
doonaan Urur-siyaasadeedka WAABERI.
Gudoomiyaha
Urur-siyaasadeedka WAABERI Md. Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo hadal ka jeediyey
munaasibada ayaa soo dhoweeyey Gudoomiyeyaasha & taageerayaasha afarta urur
ee cuddudooda ku soo biiriyey WAABERI.
Md. Cabdirisaaq ayaa
sheegay inay farxad u tahay in hablahii wadanku hibo yeesheen inay ku soo
biiraan masraxa siyaasada dalka, sida Suhuur Xasan Abiib oo ka mid ah hablahaa
hanka yeeshay.
Gudoomiyaha
Urur-siyaasadeedka WAABERI Md. Cabdirisaaq oo ka hadlayey wacyiga siyaasadeed
ee dalka ayaa sheegay inay afarta urur & WAABERI u midoobeen sidii loo
mideyn lahaa bulshada dalka inay ka faa’iideystaan fursada dhinac walba
dalkeenu leeyahay.
"Waxaad ku soo biirteen
ururka WAABERI oo doonaya inuu siyaasadiisa hogaamintu hormood u yihiin
dhalinyarada wiilal iyo hablo.
Gud Ataash ayaa sheegay
in 15 urur oo WAABERI ka mid yahay la siiyey shahaadadii ayaa saaxada siyaasada
dalka & doorashooyinka uga qeybgeli lahaayeen. Waa xuquuq aasaasi ah oo qof
kasta oo reer Somaliland leeyahay, maaha xuquuq xisbi gaar ah ama urur gaar ah
leeyahay.
Waxuu bulshada
Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan horumarka, iyo wadajirkooda, iskana
ilaaliyaan kala qeybsanaan iyo qabyaalad. Qaran ayeynu u baahan nahay ee qabyaalad
uma baahnin.
Dhinaca kale, Guddida
Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa
la filayaa inay maanta ku dhawaaqaan xilliga uu bilaabmayo ololaha doorashada
urur-siyaasadeedka cusub & xisbiyada qaranka.