Tolow Miyir Qab Ma jiraa?

0
Saturday August 20, 2022 - 09:36:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Tolow Miyir Qab Ma jiraa?

    W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).


Waxa iigu war danbaysay isaga oo Madaxwaynuhu khudbad dheer ka jeediyay kiiskii Mudaharaadka ka dhashay, isla markaana ka jawaabay cidda leh eedda iyo masuuliyada!. Balse hadeer, waxa aynu maqlaynaa in uu Guddi baadhitaan u saaray dhacdadaas. Isaga oo magacaabay Guddi aan xog iyo qiimayn dhexdhexaad ah bannaanka keeni karin. Waa Gole Wasiiro ah oo isaga ka amar qaata, oo uu waliba ku jiro Wasiirkiisa Amuuraha Gudaha oo isagu fasaxay in dadka la lagaga hortago hubka nool iyo iska caabin danabaysan!. sidee bay ku soo bandhigi karaan; xog, xaqiiqo iyo xal dhab ah?. Jawaabtu waa dhankiina!.

 

           "Ana waxa aan leeyahay ka'daraa u magac bixin".

 

Waxa intaas dheer oo warqadda ku xardhan; in Wasiiraddu shaqadoodii hore ee ahayd; la socodka hawlaha xisbiyada mucaaradka ah!. Waxa aan is waydiiyay oo markiiba igu soo dhacday; Tolow duulkan wasiiradda lagu sheegayaa ma Sirdoonka Leexsan bay ka mid yihiin?. Jawaabta waxa aan u daynayaa bulshada daawanaysa waxa dalkooda ka socda iyo ifafaalaha muuqda ee u muuuqaal eeg; sawirkii dhabta ahaa ee Jaalle Siyaad markii uu xukunku ku adkaa ee ay dagaalka kula jireen Jabhadihii iyo Xoogagii hubaysnaa ee Rijiimka rabay in ay xukunka ka fara'maroojiyaan. Waxa xusid mudan in la inoo sheegay in ragan hadda waddanka haystaa ka mid ahaayeen Jabhadii SNM. Waxaba bulshada ka ku abuuraysa ficilkooda iyo falalkooda oo soo minguurinaya in ay shaqo kale ugu jireen Jabhadda!. Allow Alle.

              

                            "History repeat it self".

 

Qodobka kale ee xiisaha lihina waa kane bal dhugo; Warqadda waxa ku qoran: in aad soo ururisaan sababihii keenay Mudaharaadka?!. "Ma inaga ayaa Waalan mise Caddan baa laga heesayaa tolow". Amakaak iyo afkala qaad waynaa amuuruhu!. Iminka ma waxa aad leedihiin Madaxwaynuhu dalka wuu ka maqnaa mise maqane jooga ayuu ahaa?. Mise dalku madaxwayne 2 aad oo jiifa ayuu leeyahay oo aynaan aqoonsanayn?. Oo madaxwaynuhu haddii aanu ogayn; muxuu edda degdega ah dusha uga saaray; Musharax madaxwayne mudane Cabdiraxmaan Cirro?.

 

         "Cajabeey Cajiibeey, Bal Cibaaradaa Daya!".

 

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...