Waxa Galbaday Tiir Weyn Rabbi Ha Naxariisto Abwaan Hadraawi
Mid ka mida dadka ugu
magac dheer umada soomaalida ayaa aaday hoygiisa dhabta ahaa iyo daarta waarida
ee sahankeeda lugu wada jiro.
Ninkaas oo ahaa
suugaayahanka cabqariga ahaa
suugaantiisa laga gayoon karayn ee maxamed ibraahim warsame Hadraawi.
Taas oo dhamaantano na
damaqday geeridiisa iyo xaqii rabbaaniga ahaa ee saacadiisuna kaga buuxday si
uu ugu hoydo hoygiisa dhabta ahaa.
Waxa la ogyahan in uu
ku dhashay miiga gobol tog-dheer,sannaadu markuu ahaa1943kii deedna uu ku
barbaaray dhulka yemen ee cadan,halkaa uu waxbarashadii ka Gallay,jeeroo uu ka
dhamaystirtay ilaa uu kasoo raacay magaca naanaysta Hadraawi.
Deed uu yimid dhulka
soomaalida isagoona ahaa mar macalin.mar alifay ruwaayado badan iyo suugaan badan tan iyo intuu ku guda jiray
hayaanka suugaantiisa.
Waxa uu uu sameeyay
socdaal loogu magacay daray socdaalka
nabada oo gabi ahaa ku Maray dhulka
soomaalida isagoo dareensiinay umada macnaha nabada.
Marna wuxuu ku
guulaystay abaal marinta caalamka ee shaqsiyaadka dunida wax kusoo kordhiya ee
laga bixiyo dalka holland.
Mar ay wariye caalamiye
ee bbcdu waraystay hadraawi waxay ku tilmaamtay inuu yahay shakispear somalia,iyadoo
la tusaale dhigtau gabayaagii weynaa ee reer london.
Abwaan hadraawi ayaa ku
jiray siinlay iyo deelay waxana laga qoray buugaag badan waxana ugu danbeeyay
buug uu gacantiisa ku qoray oo la dhaho hawaalo warran.
Hadraawi mar wuxuu ka
hadlay qiimaha hooyada oo wuxuu sameeyay suugaan amaanasa hooyooyinka,mar wuxuu
ka hadlay sirta nolosha mar wuxuu ka hadlay taariikhda islaamka iyo
suubanaheena scw.
Hadraawi waa qof ay
adagtahay in qof sidiisa oo kale uu soomaali soo maro rabbi ha u naxariisto
Hamse Riiraash.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!