Digniin Culus Oo Loo Diray Dadka Isticmaala Telefoonnada Iphone-ka
Shirkadda Apple ayaa
soo saartay hab cusub oo ay ku hagaajinayso cilladaha amniga ee aaladaha
iPhone, iPad iyo Mac, kuwaas oo ay sheegtay in laga yaabo in tuugadu si fudud
uga faa’iidaysteen.
Mas’uuliyiinta
Shirkaddan teknolojiyadda ayaa warka ay soo saareen ku sheegay in software-ka
cusub uu samaynayo cusboonaysiinta amniga oo muhiim ah, waxaana lagula
talinayaa dhammaan macaamiisha inay ku dhaqaaqaan cusboonaysiinta.
Cilladda ayaa u
oggolaan karta tuugada inay si buuxda u xakameeyaan qalabka, khubarada soo
saare yaasha ah ayaa soo jeediyay cusboonaysiinta, waxaana loo diyaariyay
iPhone 6s iyo ka dib, iPad Pro, iPad Air 2 iyo ka dib iyo iPad gen 5th iyo ka
dib. Waxa kale oo diyaar u ah iPad mini 4 iyo noocyada dambe iyo iPod touch
(jiilka 7aad).
Isticmaalayaasha Mac ee
ku shaqeeya macOS Monterey ayaa sidoo kale lagu dhiirigelinayaa inay
cusbooneysiiyaan aaladahooda
Ilaa hadda ma jiraan
warar la xaqiijiyey oo sheegaya kiisas gaar ah oo cilladaha amniga loo
adeegsaday dadka ama aaladaha.
Cusbooneysiinta
softiweerku waa maalin kasta , laakiin tani waa hal cusbooneysiin oo aan la
iska indhatiri Karin, maadaama ay diginin culus la socoto.
Dunida ayaa maanta si
sax ah uga walacsan amniga internetka iyo awoodda ay isticmaali karaan burcadda
inter-net-ka haddii ay bartilmaameedsadaan qalab u nugul weerarka.
Inta badan
isticmaalayaasha ma jirto wax ay ka argagaxaan maadaama aysan jirin wax soo
jeedinno ah oo sheegaya in jabsadayaashu ay ka faa'iideysteen daldaloollada
amniga si ay u qaadaan weeraro ballaaran oo ka dhan ah dadweynaha.
Sidoo kale waa in la
sheegaa in qeyla dhaanta ka soo yeereysa baraha bulshada ee ku saabsan
cusboonaysiinta amniga ay suurtagal tahay in laga dhigo xad dhaaf.
Apple ayaa soo saartay
cusboonaysiinta amniga deg-degga ah ee la midka ah sanadka oo dhan – oo ay ugu
dambeysay bishii Maarso - iyada oo aan wax badan laga argagaxin.
Software-ka ka
shaqeysiiya telefoonnada gacanta, kumbiyuutarrada iyo aaladaha kale ee
shirkadda Apple ayaa si joogto ah loo cusbooneysiiyaa, taas oo ku xiran arrimo
kala duwan.
Mararka qaar waxaa
looga hor tagaa halis isticmaaleyaasha uga imaan karta bogagga iyo
barnaamijyada mobile-ka qaar – mararkaas waxaa la difaacaa xogta gaarka ah ee
macaamiisha (gaar-wax-u-lahaanshaha) iyo badqabka aaladahooda.
Marar kalena waxaa
looga jawaabaa xog ku saabsan in isticmaaleyaasha qaar ay ku dhibban yihiin
culeys ka qabsada waxyaabaha qaar - mararkaas waxaa lagu xalliyaa dhibaato soo
korortay.
Taas oo jirta, haddana
waxaa dhowr jeer oo hore lagu dhaliilay shirkadda inay si ulakac ah u
curyaamiso aaladeeda gaboobay si ay macaamiishu u iibsadaan kuwo cusub.
BBC