Raysal Wasaaraha Finland Oo Ka Hadashay Muuqaal Laga Faafiyay Oo Qabsaday Warbaahinta

0
Friday August 19, 2022 - 17:20:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Finland Oo Ka Hadashay Muuqaal Laga Faafiyay Oo Qabsaday Warbaahinta

    "Sanadkii hore waxay raaligelin ka bixisay inay aaddo kalaab"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sanadkii hore waxay raaligelin ka bixisay inay aaddo kalaab"


Raysal wasaaraha Finland, Sanna Marin, ayaa wajahaysa dhaleeceyn kaddib markii laga faafiyay muuqaal laga duubay.

 

Muuqaalka, oo loo maleynayo in laga soo qaaday baraha bulshada, iyada iyo asxaabteeda oo ay ku mid yihiin dad caan ka ah ee Finland ayaa lagu arkayay iyada oo qoob ka ciyaar ka sameyneysa goob lagu caweeyo.

 

Waxay dhaleecayn kala kulantay xisbiyada mucaaradka, iyadoo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha uu dalbaday inay iska baarto daroogo.

 

Marin, oo 36 jir ah, ayaa dafirtay in ay maandooriye isticmaashay, iyada oo sheegtay in ay kaliya cabtay khamri.

Sanna Marin ayaa mar ahayd hoggaamiyaha ugu da'da yar adduunka inta aan la dooranin madaxweynaha Chile, Gabriel Boric.

 

Sanadkii hore waxay raaligelin ka bixisay inay aaddo kalaab kaddib markii ay u dhowaatay qof laga helay Covid-19.

 

Toddobaadkii hore uun, Marin waxaa loo magacaabay "Raysul wasaaraha ugu fiican adduunka" sida ay qortay jariiradda Bild ee ka soo baxda Jarmalka.

Iyadoo ka hadlaysa muuqaalka laga duubay Khamiistii, ayaa waxay sheegtay inay ogeyd in la duubayo, balse ay ka carootay in muuqaalkaasi uu noqday mid faafa.

 

"Waxaan leeyahay nolol dhanka qoyska ah iyo mid shaqo oo kala duwan, waxaana sidoo haystaa wakhti firaaqo ah oo aan la qaato asxaabtayda, taas oo aan kala mid ahay dad badan oo da'deyda ah," ayay tiri Marin.

 

Waxay intaas in aan loo baahnayn in ay beddesho hab-dhaqankeeda. "Waxaan ahay qofkii aan horay u ahaa, waxaana rajeynayaa in la aqbalo," ayay raysul wasaaraha.

 

Fiidiyowga ayaa aad loogu faafiyay warbaahinta Finland - taasoo qiil uga dhigtay isticmaalka muuqaalka inuu yahay mid dan guud khuseeya.

 

Laakiin, siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa ku dhaleeceeyay raysul wasaaraha iyo warbaahinta labadaba inay hadlaan ka arrintan.

 

Marin ayaa xukunka heysay tan iyo Diseembar 2019, waxayna weli heysataa taageerada xisbigeeda.

Waa tuma Sanna Marin?

 

Sanna Marin ayaa sanadkii 2019 noqotay raysul wasaaraha ugu da’da yar adduunka, iyadoo markaas ahayd 34 jir, kaddib markii uu xisbigeedu u doortay inay beddesho hoggaamiyihii hore ee Antti Rinne.

 

Waalidkeed waxa ay kala tageen markii ay yarayd, waxaana soo korisay hooyadeed.

 

Ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka Finland 2015, iyadoo jirta 29, waxay ka baxday Jaamacadda Tampere. Waxay sidoo kale ka soo sheqeysay dowladda hoose.

 

BBC


Loading...
Loading...