Socdaalkii Nabadda Ee Hadraawi Ee Isu Furay Muqdisho Iyo Beledweyne, Puntland-Na Heshiiska Ka Dhaliyay
Ilaahey ha u naxariisto
waxaa shalay (18-kii Agoosto 2022) magaalada Hargeysa ku geeriyooday abwaankii
weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame oo ku magac dheeraa (Hadraawi).
Abwaanka oo ahaa
macallin, hal-abuure, feylasuuf iyo waayo-arag ku ad-adkaa Soomaalinnimada,
bani’aadannimada iyo dad xil-dhowridda, waxaan ka mid ahaa intii nasiibka u
yeelatay kulana jaalka aheyd safarkiisii caanka ahaa ee ‘Socdaalkii Nabadda ee
Hadraawi’, kaas oo sanadlii 2003-dii uu ku maray inta badan dhulka Soomaaliya,
marka laga reebo meelo kooban.
Socdaalkaas waxaa
qabanqaabadiisa laheyd hay’addii Nabadda iyo Xaquuqul Insaanka ee INXA, taas oo
abwaanka u fududeysay inuu safar dhulka ah ku maro ku dhowaad 12 gobol oo ka
tirsan gobollada dalka, kuwaas oo sababta kaliya ee uu u tagayay ay aheyd inuu
kala hadlo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-unkidda qaran Soomaaliyeed oo
u adeega bulshada.
Socdaalka Nabadda ee
Hadrwaawi oo socday ku dhowaad 30 maalin waxaa uu ka soo billowday magaalada
Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaas oo uu abwaanka u yimid inuu uga qeybgalo
shirkii dib-u-soo nooleynta af-Soomaaliga ee uu martigaliyay Madaxweynaha
Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Waxaa abwaanka uu
codsaday inuu dalka oo dhan ku maro socod nabadeed, kaas oo ay fududeyntiisa ka
oggolaatay Hay’addii INXA ee ay hormuudka u ahaayeen Dr. Cabdullaahi Xaaji
Dayib, Axmed Maxamed Cali Kiimiko iyo Avv. Cumar Cabdulle Dhegey.
Socdaalka Abwaan Hadraawi
oo Muqdisho ka billowday waxaa uu horraantii bishii Agoosto 2003-dii ku
guuleystay in gaadiidkii dadweynaha ee ka shaqeyn jiray qadkii cagaarnaa ee
kala qeybinayay waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho, uu isu tallaabo oo aan dadka
lagu kala wareejin labada daamood ee halkii loo yaqaanay qadki cagaarnaa.
Safarka qeybtiisa ugu
muhiimsan waxaa uu abwaanku ka billaabay gobollada koonfureed ee dalka, isaga
oo socdaalkiisa ku aaday magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayeen
isbaheysigii Dooxada Jubba. Intii Kismaayo loo socday waxaa uu abwaanku
magaalada Jannaale kula kulmay madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya Aadan
Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), isaga oo uga sheekeeyay qorshihii uu u socday,
kana codsaday inuu ummadda u soo duceeyo.
Magaalooyinka Kismaayo,
Jilib iyo Jamaame ayay abwaanka iyo wafdigiisu, bulshada kula soo qaateen muddo
toddobaad ah oo ay kala hadlayeen in la heshiiyo, la isna cafiyo.
Markii Kismaayo laga
soo laabtay abwaanka wax badan kuma hakan Muqdisho, waxaana safarka loo sii
dhaqaaqay dhankaas iyo Beledweyne, iyada oo labo habeen lagu sii kala hakaday
Balcad iyo Jowhar oo abwaanka uu bulshada kula hadlay fagaareyaal la soo
diyaariyay.
Baladweyne oo u
diyaargarowday wafdiga abwaanka waxaa ay aheyd magaaladii ugu soo dhoweynta
ballaarneyd, waxayna dadweynuhu wafdiga uga hor yimaadeen buuraleyda Janta
Kuundishe, halkaas oo ay ku sugnaayeen kumannaan qof oo ay hormuud u ahaayeen
maamulkii Beledweyne ee xilligaas iyo odayaasha dhaqanka.
Beledweyne oo aheyd
magaalo kala xiran, bari iyo qorraxsinna aan isu tallaabin ayuu abwaanka ku
adkeystay in uusan ka tageyn illaa la isku furo oo labada buundo uu lugihiisa
kaga tallaabo, taas oo 48 saacadood oo wadahadal ah kaddib dhinacyadii
magaalada ay aqbaleen, sidiina la isugu furay.
Dhammaan dukaamada iyo
biibitooyinka waxaa ka shidnaa maalmihii aan Beledweyne joognay heestii
Beerlula ee uu abwaanka u sameeyay gabar reer Beledweyne ah.
Nabadeyntii Beledweyn
iyo isku furiddii magaalada waa ay taabbagashay oo ilaa xilligaas Beledweyne
sidii ayay isugu furan tahay oo dib dambe uma kala xirmin.
Magaalooyinka Guriceel,
Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa ka mid ahaa meelaha sida weyn
loogu soo dhoweeyay wafdiga ‘Socdaalka Nabadda’, waxayna Gaalkacyo tagiddiisa u
aheyd fursad dadka magaalada oo aan isu tallaabi jirin ay mar kale isugu
tallaabaan oo ay nabad ugu bidhaanto.
Intii aan socodka ku
jirnay abwaanku wuxuu ku guuleystay in uu heshiisiiyo ciidamo kala taabacsanaa
Jeneral Jaamac Cali Jaamac iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kuwaas oo isku
hayay doorashadii Puntland ee 2003-dii.
Ciidanka Jen. Jaamac
Cali Jaamac taabacsanaa oo magaalada Boosaaso duleedkeeda ku sugnaa, misena
dhowr dagaal ku soo qaaday magaalada ayaa waxaa hoggaaminayey Jen. Cadde Muuse
Boqor, waxaana ugu dambeyntii wafdigii abwaanka uu ku guuleystay in Cadde Muuse
Ilaahey ha u naxariistee uu ku soo qanciyo in isaga iyo ciidankiisa ay
magaalada ku soo laabtaan, hubkoodana ku wareejiyaan Jen. Abdirisaaq Afguduud
oo markaas hoggaaminayay ciidankii taabacsanaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo
isaga markaas ahaa madaxweynhihii Puntland, balse doorasho lagaga adkaaday
muran ka dhashay uu sababay dagaalka.
Guulaha ka dhashay
safarka Nabadda ee Hadraawi kuma koobneyn intaan oo kaliya, waxaana abwaanka
safarka ku wehliyay abwaanno oo badan, kuwaas oo aan ka xusuusto abwaan Sahal
Macallin Ciise iyo abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo horay u geeriyoodeen, abwaan
Maki Xaaji Banaadir, abwaan Mustafa Sheekh Cilmi, abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf,
abwaan Shube iyo Seynab Xaaji Cali Siigaale (Baxsan), abwaanno iyo marti sharaf
kale oo badan oo ay ku jireen saxafiyiin, u ololeeyalaal nabadda iyo xuquuqda
aadamaha.
Abwaanku waxaa uu ahaa
qof deggen, shakhsiyad aad u wanaagsan leh, aan xanaaq badneyn, si sahlan u
dhex gala bulshada, ay u sahlan tahay la hadalka dadka, dulqaad iyo dhegeysi
wanaagsan leh, aadna u sheeko badan.
Safarkii nabadda ee
Hadraawi wuxuu ku soo ekaaday Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo
markii uu wafdiga gaaray ay dowladdii Somaliland u sheegtay in abwaanka iyo 4
qof oo kale un loo oggol yahay inay u tallaabaan dhanka Somaliland, wafdigii
intiisa kalena ay ku soo laabteen Muqdisho iyo goobihii kale ee ay socdaalka
kaga biireen.
Muddadii socdaalka
waxaa abwaan Hadraawi u suurtoobi waysay inuu booqdo magaalada Qansaxdheere oo
uu ku xirnaan jiray, sababo amaan awgood, waxaana cudurdaarkaas muujiyay
maamulkii RRA-da ee Baydhabo xukumayay oo abwaanka u sheegay in aysan
amaankiisa damaanad qaadi karin.
BBC