Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Degmada Sheekh

0
Friday August 19, 2022 - 15:38:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Degmada Sheekh

    "Saddex Gaadhi Oo Isku Dhacay Ayaa Shilkan Sababay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saddex Gaadhi Oo Isku Dhacay Ayaa Shilkan Sababay"

 

Hargaysa (HWN) ALLA ha u naxariistee hal qof ayaa ku dhintay, laba qofna    way ku dhaawacmeen shil baabuur  oo saaka ka dhacay  jidka isku xidha   deegaanka Galoolay Iyo degmada Sheekh.



Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee degmada Sheekh Dr. Ismaaciil Xuseen Cabdillaahi, oo waramay wariyaha wakaallada  wararka Somaliland ee SOLNA, ee magaalada Berbera Mukhtar Cabdiraxmaan.


Isu’duwaha  ayaa sheegay in hal qof uu ku geeriyooday kadib markii saaka 5-tii subaxnimo ay isku dhaceen saddex gaadhi, kaas oo ka dhacay jidka isku xidhka degmada Sheekh iyo degaanka Galoolay, waxa uu intaas ku daray in qofka ku dhintay uu ahaa mid ka mida wadayaashii baabuurtaasi isku dhacay, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana maydkii marxuumka iyo dadka dhaawacba la geeyay cisbitaalka degmada Sheekh.


Saddexdan gaadhi ee isku dhacay ayaa sida isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee degmada Sheekh uu sheegay, jahada dhanka magaalada Burco uwada jeeday, kuwaas oo kala ahaa mid qaad siday, mid khudaar siday iyo ka kale oo ahaa gaadhi dad shicib ay wateen.


Sida isu’duwuhu sheegay waxa u gurmaday dadkii ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay shilkaasi, hawlwadeena caafimaad, ciidanka booliska iyo maamulka degmada.


Ugu danbayn waxa uu isu duwahu sheegay in   maydka marxuunka ku dhintay oo laba gaadhi isku qabteen ay wakhti ku qaadatay soo saaristiisa

Loading...
Loading...