"Somaliland Waa Wadan Guulaystay Halka Soomaaliya Ka Wajahayso Xaalad Adag" Wasiirul Dawlaha Waaxda Horumarinta Caalamiga Ah Ee UK Rory Stewart
London(HWN):-Wasiirul dawlaha waaxda horumarinta caalamiga ah ee dalka UK Rory Stewart ayaa ka hadlay taageerada ay somaliland ka siin karaan doorashooyinka baarlamaanka ee socda.
Xoghaye Rory Stewart oo warbixin la xidhiidha isbadalka cimilada siinayey baarlamaanka UK ayaa su,aal laga waydiiyey taageerada ay somaliland ka siin karaan doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda iyo kaalinta ay ka qaadanayaan wada hadalada somaliland iyo soomaaliya.

Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan baarlamaanka dalka UK isla markaana ah xoghayaha koox u dooda qadiyada somaliland oo su,aal waydiiyey wasiirul dawlaha waaxda horumarinta caalamiga ah ee UK ayaa waxa uu yidhi sidan "Isbadalka Cimiladu waxa uu sameeyey somaliland, waxaananahay xoghayaha koox ka tirsan xisbiyada UK oo somalilandtaageera, dhawaan waxaan la kulanay wasiirka maaliyada ma sheegi karaa talaabooyinka ay waaxdiisu ku taageerayso doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka somaliland iyo wada hadaladii somaliland iyo soomaaliya, isaga oo dhawaan la kulmi doono kooxdan ka tirsan xisbiyada si loo falanqeeyo wixii aynu qaban karno ee lagu taageerayo wadankan cajiibka ah?
Xoghaya waaxda horumarinta caalamiga ah ee UK Rory Stewart oo ka jawaabayey su,aashan xildhibaanku waydiiyey ayaa sheegay in somaliland ay tahay wadan guulaystay waxaanu yidhi "Sida ay ogyihiin xildhibaanada baarlamaanku waxa xaqiiq ah in somaliland ay guulaysatay halka soomaaliya wajahayso xaalad adag, somaliland waa mucjiso yar oo ku jirta badda adag waxaanan ula shaqaynay si dhaw doorashadii ugu dambaysay ee madaxtooyada, waanan taageeraynaa doorashada baarlamaanka cusub ee soo socota.”ayuu yidhi xoghaye Rory Stewart.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay kulan uu la qaatay madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi wakhti uu socdaal ku yimid somaliland, isaga oo tilmaamay inay ka wada hadleen meelaha wax lagala qaban karo "Waxaan nasiib u helay socdaalkaygii ugu dambeeyey ee aan ku tagay somaliland inaan la kulmo madaxweynaha, waxaanan filayaa inay jiraan waxyaabo badan oo aynu la qaban karno somaliland, waanan ku faraxsanahay inaan la kulmay madaxweynaha oo aan la falanqeeyey dhamaan qodobadaas aynu ka taageeri karno.”
Halkan Hoose Ka Daawo Su,aasha Iyo Jawaabta Xildhibaanka Iyo Wasiirul
Dawluhu Is Waydaarsadeen


0 





