Ma Hadraawi?
Sheekada caan baxday ee
"Hooyooy La’aantaa” baan aniga oo arday dugsiga dhexe dhigta ah ugu horreyn ku
maqlay magaca Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi”. Sida taariikhiihii Giriigga,
Mosabataamiya iyo Rooma ee qarniyo ka hor ama Juquraafigii wabiga Saambisi iyo
buurta himilaaya ee dugsiga aannu ku dhigan jiran, ogaynna in aanaan waligayo
arki doonin iigama duwanayn. Tabtaas oo kale ayuu Hadraawi ii ahaa nin qarniyo
ka hor jiray waxa aannu dhigannaa bes taariikhdiisii tahay.
Jaamacadda Hargeysa,
2010kii bishii Feebarwari ayaa ay
noqotay markii ugu horreysay ee aan Hadraawigii aan heesihiisa dugsiga hoose ku
dhigtay si toos ah u arko. Farxad wayn bay ii ahayd in aan la kulmay, saa
waliba sawirkan hoose xusuus ahaan ula galay.
Waa sidii uu yidhi
Siciid Jaamac Xuseen (AHUN), "Hadday jiraan malyuun qof oo Hadraawi yaqaan,
waxaa hubaal ah in mid waliba sidiisa u yaqaan oo halkaas aad ugu tegaysid
malyuun (Hadraawi).”
Waa Hadraawiga qarnigii
tegay iyo kuwa iman doonaa suugaanta Soomaalida foolaadkooda ka mid ahaan
doona. Waa Abu Hadraha hal-abuuray suugaanta miidda ah ee hoggaanka u haysa
curinta tixaha falsafadeed ee nolosha sida daallaley, dabahuwan iyo Sirta
nolosha, marna waa kii hab dhaqanka suubban iyo dadnimada innagu hogatusayey
Dhulgariir, Indhobadan, Awaal tiris, Saxarla iyo kuwo kale. Mar kalena waa kii
ku xarragooday tixaha laamaha jacaylka ah da'aya sida Jacayl dhiig ma lagu
qoray, Suleekha, Haatuf, Axaddii iyo Beledweyn mar kalena suugaanta halganka
iyo hal’adayga sida silsidahii Siinleey iyo Deelleey u calanka u siday.
Nolol macno leh buu
noolaa Hadraawi, nolol dulmi diid iyo halgan, nolol aanu nidaam dawladeed ku
milmin hal-abuurkiisana ugu loogin, waxa uu noolaa nolol uu macallin ahaa mar,
mar kalena caroogga dulmanaha iyo ka taagta daran ahaa, marar badan si arag
nololeed waday, wuxuu ahaa maansoyahan fidsan oo maayadaha nolosha aan ka
cabsan ee la falgala oo ka faallooda. Nolol gobonnimo iyo Sharaf leh buu
noolaa, oo waynu ku xasuusanaynaa sidii uu innoo yidhi:
"Kuwa ii hanweynow
Marka aad i hoysaan
Hogga ii bannaysaan
Waa in lay hogtaayoo
Hiil waxan ka geli
jiray
Ama hoo ka tari jiray
Hadhow lay xusuusta”
Waxa aynu ugu
ducaynaynaa sidii uu innoogaga codsaday:
"Qofka ii duceeyoow
Rabbigay ku derajee.”
Alle ayeynu u baryeynaa
in uu u aqbalo isla ducada maansadiisii daryeel ee:
Rabbiyow hanagu darin
Inta aad ku
digatee,
U dareerta Naartoo
Labadaada
daraarood,
Rabbiyow ta door roon
Kuwa dagaya naga
yeel, Amiin Allahayow.
Saddaam Xuseen Carab
18, Ogos 2022
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!