Tirada Maxaabiis Itoobiyaan Ah Oo Raysal Wasaare Abiy Ka Sii Daayey Xabsiyada Suudaan Oo La Shaaciyey

0
Saturday June 08, 2019 - 15:09:32 in News by
  • Visits: 2668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Maxaabiis Itoobiyaan Ah Oo Raysal Wasaare Abiy Ka Sii Daayey Xabsiyada Suudaan Oo La Shaaciyey

    Raysal Wasaare Abiy Ahmed oo Addis Ababa ku soo laabtay iyada oo ay la socdaan maxaabiista uu ka soo daayey Suudaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Abiy Ahmed oo Addis Ababa ku soo laabtay iyada oo ay la socdaan maxaabiista uu ka soo daayey Suudaan


Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ku guulaystay inuu jeelasha dalka Suudaan ka soo daayo maxaabiis Itoobiyan ah.


Raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed oo socdaal ku tagay wadanka Suudaan si uu dhex dhexaadiyo xoogaga milatariga iyo isbadalka doonka ee isku khilaafka awooda maamul ee dalka Suudaan ayaa wadankiisa ku soo laabtay isaga oo ay wehelinayaan maxaabiis Itoobiyaan ah oo uu ka soo daayey jeelashada wadanka Suudaan.




Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa ku guulaystay inuu jeelasha dalka Suudaan ka soo daayo maxaabiis Itoobiyaan ah oo tiradoodu gaadhayso 78 kuwaas oo ku xukunaa xabsi gaadhaya ilaa labaatan sanadood.


War ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in sii deynta maxaabiistani ay timid ka dib markii raysal wasaare Abiy Ahmed uu dedaal dheeraad ah u galay isla markaana kala hadlay hogaamiyaha milatariga dalka Suudaan oo gacanta ku haya maamulka dalkaasi .

Loading...
Loading...