Xiisad Ka Dhalatay Xil Ka Qaadis Uu Sameeyey Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Oo ka Taagan Baladweyne
Beledwayne(HWN):-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabi Waare ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ka dib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf mudo soo socday.
War ka soo baxay xafiiska madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday gudoomiyaha mamaulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar isla markaana xilkaas loo magacaabay Cali Maxamed Caraale oo hore uga mid ahaa murashixiinta u tartantay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Warka ka soo baxay xafiiska madaxweyne Waare ee xilka lagaga qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa u dhignaa sidan

Dhinaca kale gudoomiyaha xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa ganafka ku dhuftay xil ka qaadista uu ku sameeyey madaxweyne Waare, isaga oo xil ka qaadistiisa la xidhiiyey in madaxweynuhu ka soo horjeedo horumarka gobolka Hiiraan.
Sidoo kale gudoomiyaha xilka laga qaadayaa sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ka tashadeen madaxweyne Waare, isaga xusay in bulshadu u aragto masuul ka soo horjeeda horumarka ay doonayaan in la gaadhsiiyo gobolka Hiiraan oo xarun u ah maamulka Hirshabeelle.
Wararka ka imanaya magaalad Baladweyne ayaa sheegaya in la dareemayo xiisad ka dhalatay xil ka qaadista uu madaxweyne Waare sameeyey iyo go’aanka uu ku diiday masuulkii uu xilka ka xayuubiyey, waxaana ay wararku tibaaxayaan inay bilaabmeen dedaalo la doonayo in layskugu soo dhaweeyo labadan masuul ee khilaafkku kala fogeeyey.


0 





