Xisbiyada Mucaaradka Oo Kulan La Qaatay Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada
Guddida Baadhitaanka
Dilalka iyo Tacadiyada Mudaaharaddadii 9 June iyo 11 August 2022 ee isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID ayaa
maanta kulan waqti dheer ah la qaatay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada
JSL oo baadhitaan madaxbannaan ku samaynaysa Mudaharaadyadaas.
11 August 2022 waxa
lixda gobol ee JSL ka qabsoomay muddaaharaadadii taariikhda Somaliland ugu
weynaa. Kuwaas oo selmi ahaa balse isu baddalay goolibaadh shacab boodhadh iyo
siidhiyo sita qayb ka mid ah ciidamadda ammaanku xabbad nool la beegsadeen dil
iyo dhaawacbana loo geystay.
Axsaabta mucaaradka iyo
Golaha Wakiilada JSL ayaa bilaabay baadhitaano daaha ka qaadi doona dambiyadii
bannaanbaxyadaa ka dhacay.
Waxa xusid muldan in
aan weli talaabo sharci laga qaadin sarkaalkii 6 June gabadha beerka kaga tuntay
iyo ciidankii kale ee isku dayey in ay madaxda xisbiga WADDANI dilaan iyo
tacadiyadii kale ee warbaahintana laga wada arkay.
Xoghayaha
Warfaafinta xisbiga WADDANI
Mahmoud
Adam Jama "Galaal"