"Warqada Uu Muuse Biixi Soo Saaray Waa Mid Uu Ku Dheel Dheelayo".Xildhibaan Xasan Ogaal
"Warqada Uu Muuse Biixi Soo Saaray Waa Mid Uu Ku Dheel Dheelayo".Xildhibaan Xasan Ogaal
Xildhibaan Xasan Ogaal oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay sida uu u arko warqad uu Muuse Biixi ku magacaabay guddi wasiiro ah oo soo baadhaysa khasaarihii ka dhashay mudaharaadadii mucaaridka.
xildhibaan Xasan Ogaal ayaa war uu soo saaray ku yidhi:-
"Madaxweyne Biixi ayaa soo saaray warqad dheel-dheel ah oo nuxurkeedu yahay in la soo baadho sababihii keenay mudaharaadka iyo cidda leh masuuliyada, taas oo ay muuqato wuxuu og tahay inuu hadana u saaray koox Golihiisa ah oo aan odhan karayn masuuliyada ayaynu leenahay.
Qodobada uu u xilsaaray waxaa ka mid ah
1. In aad soo ururisaan sababihii mudaharaadka leenay.
Hadaba, qodobkan ayaad arkaysaa inay tahay indho iska ridid, waayo Ina Biixi ayaa keenay sababta qalalaasaha iyo mudahaardka abuuray ka dib markii uu sharciyadii waddankani lahaa uu noqday wuxuu afkiisa ka yidhaahdo oo uu hoos keenay rabitaankiisa shaqsiga ah.
Loading...
Loading...