Gudoomiye Xirsi Oo Soo Bandhigay Sadex Qodob Oo Ay Kala Hadleen Weftigii Ka Socday Maraykanka Oo La Kulmay
Gudoomiye Xirsi Oo Soo Bandhigay Sadex Qodob Oo Ay Kala Hadleen Weftigii Ka Socday Maraykanka Oo La Kulmay
Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo bandhigay sadex qodob oo ay kala hadleen weftigii ka socday dalka Maraykanka oo ay maanta la kulmeen.
'
![]() |
gudoomiye Xirsi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku soo bandhigay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kala hadleen weftigii ka socday dalka Maraykanka waxaanu yidhi :-
"Maanta waxaannu la kulannay Wefdi Maraykanka ka socda oo maalmahanba Dalka joogay, kuwaas oo ah saaxiibbada Somaliland.
Waannu soo dhaweynnay wefdiga, waannu na uga mahadnaqnay dedaalka ay ugu jiraan aqoonsiga Somalialnd. Waxa aannu kala hadalnay si guud danaha Somaliland, si gaar ah sadexda qodob ee kala ah:
1. Xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee wakhtigan Somaliland ka taagan iyo dhibtii ku dhacday dadkii shicibka ahaa ee bannaanbaxa nabadgelyo samaynayay.
2. Aqoonsiga Somaliland, oo ah qadiyad ummadadeed, kaas oo dadka Somaliland ku midaysan yihiin, mana khusayso siyaasadda gudaha ee aannu ku qaybsannahay.
3. Mar walba Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in khilaafka jira laga gaadho xal siyaasadeed oo wadahadal- dhexdhexaadin ku yimaadda, kaas oo Xisbigu muhiimad siinayo xal kasta oo ay hor kacayaan dadkayagu."
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan
Loading...
Loading...