Aqoonyahan Soo Bandhigay Lix Natiijo Oo Laga Dhaxlay Mudaharaadadii Mucaaridku Qabteen

0
Tuesday August 16, 2022 - 11:33:57 in News by Abdi Good
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Soo Bandhigay Lix Natiijo Oo Laga Dhaxlay Mudaharaadadii Mucaaridku Qabteen

    Aqoonyahan Soo Bandhigay Lix Natiijo Oo Laga Dhaxlay Mudaharaadadii Mucaaridku Qabteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahan Soo Bandhigay Lix Natiijo Oo Laga Dhaxlay Mudaharaadadii Mucaaridku Qabteen
Mudaharaadka ka socda hargeysa oo qofkii ugu horeeyey ku dhintay iyo rasaasta oo Hadh-beeshay.



Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa soo bandhigay lix natiijo oo laga dhaxlay mudaharaadadii ay mucaaridku qabteen 11 August 2022.

aqoonyahan Maxamed Haaruun oo soo bandhigaya qodobadan ayaa waxa uu ku yidhi qoraal uu saaray

Lix Natiijo oo ka Dhashay Fal-dambiyeedkii 11 August!

Dabcan, wax kasta oo dahca, hadda wax kasta, , shar iyo khayr, natiijo toos ah iyo mid dadban baa ka dhasha. Dadka falka samaynayaa, marar badan, natiijada soo baxaysaa waa mid ay ku talagaleen oo doonaayeen, marar kale oo badan na, tu aanay doonayn baa soo baxda. Yurubiyaanku dagaalkii ay isku qaadqaadeen 1939kii ee World War 2 la baxay, ma ay filaynin marnaba, natiijooyinka dagaalkaas ka dhalan doona midkood in ay noqon doonto, caalamkii ay xoogga ku qabsadeen ee Afrika ka mid ahayd, in ay xoroobi doonaan, oo United Nations wax la yidhaahdo la samayn doono, oo Axdiga UN na la gu cadayn doono in dunidu xorrowdo. Siyaad markii uu Mingisto la heshiinaayay 1988kii, ma moodaynin in ay taasi dhicitaankiisa soo dedejinayso, laakiin kafantiisa ayuu tolaayay isaga oo aan dareensanayn. Gorbachov kii u dambeeyay hogaamaiyaashii Soofiyeedku, markii uu ku jiray barnaamijkiisii dib-u-habaynta ee Ruushka loo ga yaqaan ‘Perestroica’, ma dareensanayn in hawsha uu wadaa ay isaga dhicitaankiisa sababayso – tusalayaashu ciidda ayay ka badanyihiin.

August 9 iyo 10, 2011, Xisbiyada mucaaridka ah ee SL iyo xukuumadda ayaa ka wada hadlay sidii isu soo baxyo nabadeed loo qaban lahaa, waana la is la gartay. Xisbiyadii wixii la is la gartay waa fuliyeen, taagerayaashoodii na meelihii loo asteeyay ayay u gu yeedheen August 11, laakiin mid baanay ogayn. In dablay hubaysan oo shaadh dawladeed gashan la abaabulay, oo madaxtooyada la ga soo diray, amarka ay haysteen na uu ahaa amar toogasho qudhbax ah – shoot to kill instruction – in ay jidadka ay marayaan ku sugaayeen. Dil aan loo miidaan deyin iyo dhaawac tiro beelay baa sidaas ku yimid. Kornayl Biixi, saacado uun ka dib markii dhiigu qulqulay, ayuu TV ga tegay, waxanu yidhi – dadkan la laayay mucaaridka ayaa masuul ka ah, maxaa yeelay iyaka ayaa halista u ban dhigay. Shakhsiyaad uu samaystay, ayaa iyaku na ka daba yidhi – haa, mucaaridka ayaa dadka laayay ee maydkooda ha gurteen. Fulay qori helay, oo leh, wax waan dili karaa ee arka - ayaadba moodaysay sida ay dadka dhintay u gu diganayeen.
Hadaba maxaa taas ka dhashay?

1: Biixi, iyo Kaahin, iyo dhawr iyaka ku hoos nol, dadqalnimadooda ayay dadka Somaliland wixii aan aqoonin bareen, intii taqaanay na waa xasuusiyeen.

2: International community ga oo Maraykan u horeeyo, waxa ay u cadeeyeen wixii la gu sheegi jiray, oo ah in ay yihiin askar bilaa caqli ah. Saddaam Xuseen iyo Siyaad Barre oo shicibka ay laayaan, eheladooda ku odhan jiray rasaastii la la dahcay lacagteedii soo bixiya, in ay la meeqaam yihiin darajo ahaan ayay dunida isu sheegeen. Rajadii la ga qabay in dunidu ku soo dhiirato Somaliland, ayay si dhab ah u laaleen oo daadka raaciyeen.

3: Dhaqdhaqaaqyo gudaha iyo debedda ba ah, oo ilaa Waqooyiga Ameerika iyo Yurub xidhiidhsan, oo kiisas maxakamadeed la gu dhisaayo ayaa abaabulmay, silsiladdii amarka dilku soo maray, Biixi la ga bilaabo ilaa askariga xabadda furay iyo inta ka dhexaysa, ayaana warkooda la gu jiraa.

4: Labada xisbi mucaarid taageerayaashoodii, intii diyaarka ahayd iyo intii yar seexatayba, dib ayay u abaabuleen, xumaddii dadka na, circa ayay geeyeen. Maanta Faysal, Cirro iyo Xirsi wax kasta oo ay yidhaahdaan ha la sameeyo, wixii uu doono ba ha ahaadee, bilaa su’aal baa la gu fulinayaa, si buuxda ayaana loo gu daba faylay. Mahadeeda waxa leh Kornaylada bahaloobay.

5: Qolyihii uu Muuse samaystay, ee tirada badnaa, ee banaanka ka odhan jiray Muuse waanu jecelnahay, oo waannu u ilmaynaynaa, iyo kuwii hoos u odhan jiray ba, manta taas ma samayn karaan. Waanu jecelnahay iyo xataa waannu nacnay toona ma odhan karaan. Si buuxda oo aan ka soo noqod lahayn buu warkii u ga xidhay.

6: Waxa sii fogaatay, oo awalna fogayd, in la gu doodo doorasho ururro oo aan sharci la gu qabto ba loo haynin, ayaa ka soo horaynaysa tii distooriga ahayd ee sharcigeedii iyo dhaqaalaheedii ba la hayay. Taasi awalna suurtagal ma ahayn, imika na waa sii dhimatay.

Loading...
Loading...