Soomaaliya oo loo ballan qaaday taageerida gurmadka Abaaraha

0
Tuesday August 16, 2022 - 09:42:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo loo ballan qaaday taageerida gurmadka Abaaraha

    Dr. Zamiir Iqbal oo ah ku simaha Madaxweynaha (IsDB), ayaa ballan qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Zamiir Iqbal oo ah ku simaha Madaxweynaha (IsDB), ayaa ballan qaaday


Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka Dr. Zamiir Iqbal.


Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sida uu Bankiga Islaamka gurmad degdeg ah oo maaliyadeed iyo kaalin qareemid uga gaysan lahaa abaaraha daran ee xilligaan ka taagan dalkeenna Soomaaliya.



Dr. Zamiir Iqbal oo ah ku simaha Madaxweynaha (IsDB), ayaa ballan qaaday in Bankigu uu Dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doono Gurmadka Abaaraha iyo guud ahaan dadaallada looga hor tagayo in abaartu isku baddesho macluul laga soo waaqsan waayo.


Bankiga ayaa dhawaan u gurmaday bulshada nugul ee abaaraha iyo colaadahu saameeyeen ee Afgaanistaan, si loo daboolo baahiyaha bani’aadannimo ee degdega ah.


Loading...
Loading...