Gar-maqaatayaashiyo Dadkaa Beera Ruux Gudhan

0
Tuesday August 16, 2022 - 09:33:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gar-maqaatayaashiyo Dadkaa Beera Ruux Gudhan

    "Inkasta oo dadku aanay tamar u haynin mudaaharaad iyo rabshad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inkasta oo dadku aanay tamar u haynin mudaaharaad iyo rabshad"

 

August 13, 2022

 

40 sanno ka hor markii dagalaada sokeeye ka bilaabmeen Soomaaliya waxa la eeday waxa ay ahayd kursi jacayl. Waxyaabaha aadka looga soo wariyo dagaaladaa sokeeye waxa kamida dagaaladii la magacbaxay DABARGOYNTA DAAROODKA. Sida magacu sheegayo waxa ay ujeedada dagaalku ahayd in la xasuuqo dad Soomaaliyeed oo loo tirinayay inay qayb ka ahaayeen maamulkii jiray.



 Haddaba sida dad badan oo looga qaateen ah gaar ahaan kasoo jeeda beesha DAAROOD xaqiijiyeen, wax jirta in amaro kasoo baxayay maamulkii Maxamed S Barre la fulinayay. Ulajeedad Beesha Daarood loo laynayay ayaa ahayd in la kiciyo, si loo mideeyo beesha oo markaas qayb xoogani kasoo horjeeday maamulka. Si taas lamida ayaa loo laynayay dadyawgii loo tirinayay inay kasoo horjeedaan dawlada sida Hawiyaha iyo Isaaqa. Ujeedaduna waxay ahayduun in laga mashquulo hadafkii markaas dadku u midaysnaayeen ee ahaa in larido kaligii taliyaha. 


30 sanadood kadib Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysaa dhibtaas. Sigaara waxaa xusid mudan waxa maanta ka dhacaya Somaliland. Dhiig dad shacaba ayaa lagu daadiyay amni ayaanu ilaalinaynaa. Waxay i xasuusiy khudbadihii Maxamed S Barre markuu wadanku sii burburayay, "ILAAHAYse kama yeelo tan mid ay Somaliland ku burburto”


Inkasta oo dadku aanay tamar u haynin mudaaharaad iyo rabshad, haddana waa wax ay xaq u leeyhiin oo wixii umadani ku heshiisay (Dastuurka) ku qoran. Waa quudhsi iyo yasid la yaraysanayo garaadkooda, in la yidhaahdo uma bisla inay mudaharaadaan. Waxay ahay in askartu garabgalaan oo amnigoogad sugaan. Haddiiba se ay jirto cid rabshado wada, sidii dhagax la tuuray xabbad nool luugu jawaabaa, waxa jira intaas oo wado furan oo loo xakamayn karaayay cida rabshada wad ayadoon qudhi bixin.


Dhiiga daataa la arkee inuu dhiig kale keeno (ILAAH kama dhigee) laakiin ka la dilay wuxuu la dhashay dad, qoriga iyo rasaastuna maaha wax ku kooban gacmaha dawlada. Askarigu waxa uu haybada ku leeyahay waa dirayska iyo dawladnimada taas oo waajibkiisu  ilaalinta nafta dadkiisa, marka se uu isagu daadiyo ogow wuxuu ogolaaday in isna xabbad lagu dhufto, taasina waa halka burburku ka bilaabmo.


Inkasta oo ay Somaliland waxbadan ka ayaan badnaatay badiba Soomaali inteedii kale marka la eego xagga nabadgelyada, Haddan waxa muuqata in dhamaan cidii madax ka noqotay iyo kuwa soo socdaaba ay yihiin lodkii ama ardaydii kaligiitaliyaha. Uma muuqato inay xaq iyo mujaahidnimada aya sheeganayaan dhabtahay se waxay lamidyiin inantii hooyadeed ku tiri "Ilayn igamaad kicinayne waad iga kacsanaysay”.  Waxay wadaan qoqobkii iyo qaybintii dadkii wada dhashay, macangagnimo, kursi jacayl, iyo aragti dheeri la’aan. Run ahaantii qabiil iyo reertoona ma matalaan laakiin waxay awoodaan inay reeraha isku dilaan madaxana isugaliyaan. shirqoolo iyo dhagaro ayay maleegaan wax magaratadu ku dhamaato, waxay nac iyo colaad dhexdhigaan dadka walaalaha ah.


Waxaan qoraalkan ku soo koobayaa, in waxa Somaliland kadhacayaa aanay cidna dani ugu jirin. Waxa lagama maarmaan ah, mucaarid iyo muxafidba in wada hadal hawsha lagu dhameeyo. In balaayada madaxeed laqabto intaan mijaheeda la qaban kariwaayin.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...