Hargaysi Ma Toostay

0
Tuesday August 16, 2022 - 09:27:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysi Ma Toostay

    "Muuse waxa ka sii daran kuwa habeen iyo maalin ku hadaaqaya " waar nabada ha la ilaaliyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse waxa ka sii daran kuwa habeen iyo maalin ku hadaaqaya " waar nabada ha la ilaaliyo"


Hargeysa ma toostay

Hogaanka ma diiday

Harqoodka ma tuurtay

Inaanay hummaaga

Hadoodilan yeelin

Sidii hebed geel ah

Hashii Nabi Saalax

Horaadada dhiibin

Hankeeduma siiyeyi

 Hadraawi.



Waxaan ku bilaabayaa qiso ku dhex martay Saylada Burco Nin shacab ah iyo Tuug.

Saylada Burco baa nin rabey inuu bas ka raaco.   Tuug baa u soo dhuuntay oo lacag jeebka ugu jirtay kala cararay.  Ninkii oo ahaa nin xoog weyn,  bakoorad weyna sitey ayaa ka daba boodey tuugii oo sii ordaya.

 

Tuugii markuu arkey ninkii oo caydhsanaya,  bakoorad weyna sita oo wax yar  u soo jira ayuu qayliyey ”Waar nabadgelyada ilaali, waar nabadgelyada ilaalii”.  Ninkii xooga weynaa ee lacagta laga dhacay, ayaa isna ku tiraabay  ” Hadaad  rabto in nabada la ilaaliyo iska dhig xoolaha aad soo dhacday”.

 

Tuugii markuu nafta u yaabey oo uu arkay inaanu ka fakanaynin ninkii caydhsanayey ayuu iska tuuray lacagtii.

Ninkii intuu lacagtiisii qaatay ayuu yidhi ” Hadda ayey nabad gelyadu sugantahay”.

Maanta taas wax ka dhigan Madaxweynaha doorasho diidka ah oo inta xuquuqdii iyo masiirkii ummaddu lahayd oo dhan dhacay, hadana ku qaylinaya ”Waar nabada ha la ilaaliyo”.

 

 Muuse waxa ka sii daran kuwa habeen iyo maalin ku hadaaqaya ” waar nabada ha la ilaaliyo” ee aan mar kaliya ka hadleyn dhaca iyo xasuuqa Muuse shacabka iyo axsaabta mucaaridka kula kacayo.   Kuwa mar kasta oy hadlayaan aan mar kaliya soo qaadeyn 13 November.  Waa shahaado Zuuriin.  Waa daalimiin.

 

Waxa jira kooxo kale oo kuwaa ka sii daran oo ka shaqeeya guriga Madaxweynaha doorasha diidka ah (Kitchen gods) oo raba inay u maxlalaan kursiga qaranka Muuse Biixi doorasho la’aan.

 

 Kooxahaas, oo ay ka mid yihiin  odayaasha Gadhoose, Gaboose, oday Guhaad iyo qaar kale oo badan,  waxa Muuse u abuurtay inay reer Somaliland ka duudsiyaan xaqa doorasho ee Distuurku siiyey 13 ka November 2022.   Waxay rabaan inay gacantooda ku badalaan muddo xileedkii Dastuurku u cayimay Madaxweyne kasta oo ah 5 sanadood.  Kuwaasina iyana waa  shahaado Zuuriin qeyb weyn ka ah mushkilada.

 

 Maanta waxa is hayaa waa Qori iyo Siidhi. Doorasho doon iyo doorasho diid ( Kaligii taliye ).  Siidhigaana guulaysan doona.

Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxba dhowran maayaan, sabtoo ah hore ayey Balliyo  dhiig ah ugu faraxasheen oo xabaalo cas Burco iyo Hargeysa ka dhigeen.   Sidaas darteed, 10 qof iyo wax la mid ah in ay xasuuqaan waxba lama aha.


 Mar Hore, waxay sheegeen in Cirro  iyo beelaha uu ka soo jeedo ay Somali weyn yihiin.  Mar kale waxay sheegeen in Cirro  Hargeysa ku dhex haysto Ciidan beeleed ay isku heyb yihiin.  Ugu dembeyntiina waxay sheegeen inuu kooxo argagixiso ah  xamar ka keenay,  waxaas oo dhan waa sabab ay Korneyladu ku doonayaan inay ku baneystaan dhiiga daahirka ah ee qeybo ka mid ah shacabka Somaliland.

Isaga taliyaha Dabagale, ma mudna in laga hadlo arrintiisa oo magaciisaa kaaga filan waa (Dabagale).


 GUDOOMIYE FAYSAL WAAN DHALIILAYAA.

Qofku haddii uu siyaasi yahay,  waa inuu hal adeyg leeyahay.  Faysal waxaan ogeyn isagoo Muuse si adag ula hadala oo leh haddii aad doorasho qaban weydo, adiguna waxaad noqon doontaa nin reer Samatar ah, aniguna waxaan noqon doonaa nin reer Guuleed ah.  Maxaa is badaley?


Bishan 10 dii Faysal shir jaraa’id ayuu qabtay,  wuxuu sheegay:-

1.       Faysal wuxuu sheegay inuu Maxamed Kaahin Xafiiskiisa ugu tagey galinkii dembe ee maalintaas.

2.       Wuxuu sheegay in wasiirku shaah macaan siiyey.

3.       Wuxuu sheegay, in wasiirku ballamo badan hore ugaga baxay.

4.       Wuxuu sheegay, inuu wasiirka dad kale uga ergooday markuu wax kasta ka diidey.

5.       Wuxuu sheegay in isagoo la fadhiya telefoon kheyr qaba Madaxweynuhu Wasiirka u soo direy.

6.       Wuxuu sheegay, in debeda loo saarey oo muddo 55 daqiiqadood ah uu hor taagnaa xafiiska Maxamed Kaahin,  hadana aanu wax oggolaansho ah howshii uu ula tagey ka soo helin.


Waxaas oo dhan waxay ku tusayaan, in Gudoomiye Faysal u dabcay hanjabaadii Maxamed Kaahin.  Maxaa keenay inuu Korneyl amarka Muuse Biixi kaliya ku shaqeeya uu Hal saacad ah Xafiiskiisa hor taagnaado, taasi waa karaamo dil uu u geysatay Xisbiyada qaranka iyo shacabka ay matalaan, waana hubaal in Maxamed Kaahin arrintaas u qaatay in Xisbiyadu mucaaridku baqeen.  Arrintaas oo kale yaanay dib u dhicin  gudoomiye.

 

Ugu dembeyntii,  Halganka iyo xorriyad doonku waa soconayaa,  Kaare iyo Beebee midna ma celin karo shacab gadoodey oo inta xuquuqdoodii la boobay, xasuuqna loogu daray.

 

Ballankeenu waa 13 ka November.  Inta ka horeysana waa dareenkeena oo aan si silmi ah ku muujino.

 

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...